hadhwanaagnews
Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu wadaa inuu maalinta Axadda yeesho kal-fadhi aan caadi ahayn, kadib markii mudanayaasha si rasmi ah loogu wargeliyey inay ka soo qaybgalaan fadhigaas.
Xoghayaha Golaha Guurtida, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, uu golaha horgeyn doono istiqaaladdiisa, isla markaana si rasmi ah ugu wareejin doono Golaha.
Sida ku cad wargelinta loo diray mudanayaasha, kal-fadhigan gaarka ah ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha la xidhiidha hoggaanka Golaha Guurtida iyo habraaca dastuuriga ah ee ka dambeeya iscasilaadda guddoomiyaha.
Xoghayaha Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan mudanayaasha inay si buuxda uga soo qaybgalaan kal-fadhiga aan caadiga ahayn, maadaama uu khuseeyo arrin muhiim u ah hoggaanka Golaha Guurtida Somaliland.