Somaliland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada Hadlay soo Afjaridda Colaadda Sool iyo hirgelinta Nabad Waarta

Thursday February 06, 2025 - 12:17:17
hadhwanaagnews
Madaxweynuhu wuxuu qiray hawlaha baaxada leh ee soo jireenka ah



Dawladda Somaliland iyo Qaramada Midoobay,ayaa ka wada hadlay nabadaynta deegaanada xaaladaha colaadeed ka jiraan ee bariga Somaliland iyo sidii nabad waarta looga hirgelin lahaa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo xalay qasrga Madaxtooyada ku qaabilay Ku-simaha Ergayga Xoghaya Qaramadda Midoobay (UN) u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane James Swan oo booqasho ku yimi dalka Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland mudane Dr Cabdilarxmaan Maxamed Cabdilaahi,ayaa ergyga Xoghayaha Qaramada Midoobey u sheegay in xukuumaaddiisu ay diyaar u tahay in ay xalka deegaanada bariga Sool iyo Sanaag in ay ku dhamayso nabad iyo wada hadal isla markaana ay wax kasta ka horraysiinayso nabadaynta bulshada oo loo marayo wada hadal.

 

Waxaa kale oo Madaxweynuhu ku ammaanay Hay’addaha Qaraada Midoobay sida wanaagsan ee ay Somaliland ula shaqeeyaan iyo doorka ay ku leeyihiin dhinacyada arrimaba nabad gelyada iyo bulshada.

 

Ergayga Xoghaya Qaramadda Midoobay (UN) u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane James Swan,ayaa dhankiisa wuxuu Madaxweynaha JSL ku bogaadiyey guushii uu ka gaadhay Tartankii Madaxtooyada ee ka qabsoomay Somaliland  13.112024 Ergaygu waxa uu Jamhuuriyada Somaliland ku ammaanay Tartankii dorashashoyinkii bilaa turxaanta ahaa ee ka dhacay Somaliland iyo qaabkii ilbaxnimada laheyd ee Xukunka loola kala wareegay .

 

Ergayga Qaramada Midoobey wuxuu hoosta ka xariiqay in Hay’addaha Qaramadda Midoobey ay diyaar u yihiin in ay sii wadaan shaqadda muhiimka ee ay Qaramada Midoobay ka waddo Somaliland. Sidoo kale, Ergaygu waxa uu Madaxweynaha ka waraystay qorshayaasha Xukuumaddiisa boqolka cisho ee u horreeya.

 

Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey wuxuu si weyn u soo dhaweeyey baaqyaddii nabadda ee uu soo saaray Madaxwaynaha Somaliland, gaar ahaan in wada-hadal iyo hab nabbed ah lagu dhameeyo degaanada ay ka jiraan shaqaaqooyinku. Ergeygu waxa uu Madaxwaynaha ku bogaadiyey magacaabida Guddida Nabadda Qaranka JSL.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa isaguna dhankiisa Ergeyga Xoghayaha Qaramada Midoobey uga mahad naqay safar hawleedka uu ku yimi Somaliland.

 

Madaxweynuhu wuxuu qiray hawlaha baaxada leh ee soo jireenka ah (xag bini-aadanimo iyo xag horumarba) ee ay Hy’adaha Qaramada Midoobey ka fuliyaan Somaliland. Madaxweynuhu wuxuu Ergeyga u sheegay in Xukuumadiisu ay si dhab ah mudnaanta u siinayso laba arrimood:

 

1) Nabad waarta,

 

2) Hirgelinta isbeddel dhinacyo badan leh oo la taaban karo.

 

Madaweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Ergayga u sheegay in maalintii uu la wareegay xilka uu si rasmi ah ugu baaqay Gogol Nabadeed oo bilaa Shuruud ah, laakiin taa jawaabteedii ay noqotay in Bariga Somaliland weerarro is daba joog ah lagaga soo qaado jihooyin kala duwan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in arrimahaas aanay Xukuumadiisa niyad-jabin doonin waana sababta loo aasaasay Guddida Nabadda Qaranka:

 

Si ay u suurto geliyaan xabad-joojin bilaa shuruud ah,

Iin ay fududeeyaan is-dhaafsiga maxaabiista,

Dib u furaan jidadka xidhan ee muhiimka u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga

Madaxweynuhu waxa uu Ergayga u xaqiijiyey in nabada iyo xasiloonida ka jirta Somaliland muddo ka badan 30 sano, ay wax weyn ku soo kordhisay Gobalka Geeska Africa. Sidaas tarteed ay Somaliland dalbanayso in Ururka Qaramada Midoobay uu Somaliland ka kaalmeeyo adkeynta iyo awoodeynta Lamaaha Amniga Somaliland JSL, si ay Somaliland awood ugu yeelato in ay ka jawaabi karto ama ay ka hor tegi karno khataraha waa weyn ee ka jira Gobolka Geeska Afrika.

 

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa tibaaxay in Xukuumadiisu ay diyaar u tahay in si dhaw ay ula shaqayso Hay’adaha Qaramadda Midoobey, Ururrada kale ee Caalamiga ah iyo Dawladaha bixiya deeqaha si ay Somaliland u xoojiso arrimaha xagga Nabadda iyo Xasilloonida, Dib-u-habaynta Hay’adaha Qaranka JSL iyo higsiga ay Somaliland leedahay in ay gaadho horumar waara.

     
Loading...