Wasiirka Madaxtooyada oo sharraxay Doorka Somaliland ku leedahay amniga Geeska Afrika

Sunday June 08, 2025 - 15:05:19
hadhwanaagnews
Wasiirka Madaxtooyadda oo ka mid ahaa Weftigii .....


Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland door ku leedahay nabadgelyada Geeska Afrika, inkastoo aqoonsi la’aanta caalamiga ahi ay adkaynayso dedaalada ay wadaan.

Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu sidaas ku sheegay maqaal dheer oo uu ku qoray Wargayska The Star ee ka soo baxa Magaaladda Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, Maqaalkaas oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa wasiirku ku sheegay in Somaliland ay u aragto Kenya saaxiib muhiim ah maadaama ay kaalin weyn ku leedahay ammaanka geeska Africa iyo la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka Madaxtooyadda oo ka mid ahaa Weftigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ee booqashada rasmiga ah ku tegay dalka Kenya, ayaa caddeeyay in xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Kenya uu soo jiray muddo dheer isla markaana labada dal ay wada shaqayn jireen xiligii gobonimo doonka.

Mudane Khadar Xuseen Cabdi waxa uu xusay in Somaliland u baahan tahay inay sahamiso dariiqyo kale oo ay ku horumariso siyaasadaheeda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana ay tani tahay sababaha keenay in Madaxweyne Cirro uu booqdo Kenya isagoo dib u qaabaynaya siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo hawlgalka lagu beegsanayo aqoonsi caalami ah oo qarankani helo.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu tilmaamay in Somaliland ay diyaar u tahay inay la jaanqaado dawladaha kale ee caalamka oo Kenya ka mid tahay isla markaana ay wadaagaan hadafyo siyaasadeed, dhaqaale iyo amni, isagoo intaas ku daray iskaashiga Kenya iyo Somaliland uu muhiim u yahay nabadda iyo kobaca dhaqan-dhaqaale ee gobolka.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Maqaalkan uu ku qoray Wargayska The Star waxa uu ku faahfaahiyey natiijooyinka wax ku oolka ah ee ka soo baxay booqa
     
Loading...