Jaaliyadda Somaliland ee dalka Canada oo Wacdaro ka dhigey Bandhiga Maalinta Shucuubta Afrika ee Dalkaasi

Sunday June 08, 2025 - 14:58:28
hadhwanaagnews
Muwaadin Khadar oo hormood u ahaa isu soo baxay ay reer Somaliland


Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Canada ayaa wacdaro ka dhigey maalinta Bandhiga shucuubta Africa ee dalkaasi Canada, waxaanay muujiyeen sida ay ugu go’an tahay inay ka midho dhaliyaan helitaanka Qaranimo buuxda iyo Aqoonsiga dunida.

Maalinta bandhiga Shucuubta Afrika ee dalka Canada ayaa waxa isugu soo baxay dalka Afrikaanka ah ee ku nool dalkaasi, waxaaney soo bandhigaan waxyaabaha uu dalkoodu qaniga ku yahay iyo sidoo kale dhaqankooda, balse bulshada Somaliland ayaa soo bandhigay taariikhda guunka ah ee Somaliland iyo kheyraadka dihin ee ay caanka ku tahay Somaliland.

Muwaadin Khadar oo hormood u ahaa isu soo baxay ay reer Somaliland kaa qayb qaadanayeen bandhiga maalinta Shucuubta Afrika ee dalka Canada ayaa xusay inay bulshada Afrika u soo bandhigeen dhaqanka, calanka iyo Qaranimada Somaliland

Waxaanu yidhi " Halkan waxa aanu ku joognaa dhammaan Jahliyadii reer Somaliland ee dalka Canada, anaga oo isku dhan oo calankayegii sidan, isla markaasina matelayna wadankayagii, ayaa waxaanu ka soo qayb galney xaflad sannad kasta lagu qabto magaalada Edmenton, waxaaney ahayd markii noogu horeysay anaga oo reer Somaliland ah, wadankeyagiina matelayna in aanu ummadda kale u soo bandhigno wadankayagii, calankayagii iyo dhaqankayagiiba”.

Khadar ayaa intaasi ku daray inay qadiyada Somaliland ku soo bandhigeen bandhigan isla markaasina ay si wayn uga dhex muuqdeen dhammaan bulshadii Afrika ee bandhiga ka soo qayb gashay
Waxaanu yidhi "Maanta waa maalin wayn,waa maalin kale oo tallaabo hor leh aanu sii qaadney, waa maalin kale oo dad badan oo Afrkaan ah iyo Ajanabigii faraha badnaa aanu kullaney oo aanu calankeyagii, wadankayegii iyo Khariiradayadiiba ay barteen”.

Gebo’gabadii Khadar ayaa tilmaamay in bulshada Somaliland ee bandhigan ka soo qayb galay ay ka badnaayeen dhamaan bulshooyinka dalalka kale, taasina ay muujinayso ayuu yidhi, sida ay reer Somaliland ugu wayn tahay qadiyada iyo in la Ictiraafo

Waxaanu yidhi " Wadamada kale waxaad moodaa in ay dadka reer Somaliland ka fara badan yihiin dadka isugu soo baxay, marka la qiyaaso wadamada kale inta isku soo baxday, taasina waxay muujinaysaa dadka reer Somaliland sida ay uga go’an tahay calankooda marka la soo hadal qaado inay istaagaan oo ay yidhaahdaan waxaanu nahay wadan jira”.
     
Loading...