Somaliland oo sheegtay in Soomaaliya ku ceebowday khariirad ay BBC-du baahisay

Sunday June 08, 2025 - 14:56:25
hadhwanaagnews
Afhayeenku waxa uu qoraal uu ku daabacay barta X


Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa si adag uga hadlay muranka ka dhashay khariirad ay BBC-du daabacday toddobaadkan, taasoo muujinaysay in
Somaliland, aanay ka tirsanayn Soomaaliya.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si xasaasi ah uga falcelisay, islamarkaana ay ku ceebowday arrintaas.

Afhayeenku waxa uu qoraal uu ku daabacay barta X (Twitter) ku sheegay in dowladda Soomaaliya mar kale ku guuldarreysatay inay si siyaasadaysan oo xasilloon u wajahdo xaqiiqooyin jira, kaddib markii BBC-du baahisay khariirad muujinaysa in Somaliland, aanay qayb ka ahayn Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu xusay in baahinta khariiraddani ay dhalisay falcelin aan habboonayn oo ka timid madaxda Soomaaliya.

Xuseen Deyr waxa uu carrabka ku adkeeyay in BBC-du ay ka mid tahay hay’adaha warbaahineed ee ugu sumcadda badan caalamka, islamarkaana aanay ahayn markii ugu horraysay ee warbaahinta caalamku ay si cad u kala saarto Somaliland iyo Soomaaliya.

"Warbaahinta New York Times iyo The Guardian, si joogto ah ayay u kala saaraan Somaliland iyo Soomaaliya, taasina maaha khalad ee waa xaqiiqo ay aqoonsadeen,”Ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr.

Afhayeenku sidoo kale wuxuu dhaliilay dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in aanay xukun buuxa ku lahayn caasimadda Muqdisho, isaga oo sheegay inay si weyn ugu tiirsan tahay ciidammo shisheeye.

Geesta kale wuxuu sheegay in Somaliland, aanay ahayn gobol gooni isu taagay, balse ay ahayd dal madax-bannaan oo helay aqoonsi caalami ah sannadkii 1960-kii, ka hor intii aanay si ku-meelgaadh ah ula midoobin Soomaaliya, midnimo uu ku tilmaamay inay ku dhammaatay guul-darro sannadkii 1991-kii.

Xuseen Deyr waxa uu tusaale u soo qaatay horumarka ay Somaliland, ku tallaabsatay tan iyo markii ay gooni isu taagtay sida nabadaynta, dib-u-dhiska, iyo hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadeed.
Wuxuu uu sheegay in jiritaanka Somaliland aanu ku salaysnayn khariirado ama sawirro, balse uu yahay mid ku dhisan rabitaanka shacabka reer Somaliland.

"Soomaaliya waa dawlad magac ahaan uun u jirta, kuna tiirsan beesha caalamka iyo ciidammo shisheeye,”Ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr.
Afhayeenku waxa uu sidoo kale xusay in warbaahinta caalamku si joogto ah u baahiso horumarka ay Somaliland gaadhay, taasoo uu sheegay inay muujinayso in beesha caalamku ay aragto isbeddelka iyo dadaalka ay Somaliland sameyneyso.
     
Loading...