Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan gobollada Bariga Somaliland gaar ahaan Sool Bari iyo Sanaag bari, waxaanu sheegay in uu diyaar u yahay in lagu dhammeeyo wada hadal iyo gogol nabadeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo uu weheliyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Amb Maxamed Cali Aw-cabdi oo Shalay qasriga madaxtooyada qado sharaf ugu sameeyey dhamaan madax dhaqameedka Somaliland, ayaa ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay bulshada iyo dalkaba ugu jiraan, waxaanu ku boorriyay inay sii xoojiyaan shaqada ay hayaan.
Madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ka hadlayay xaaladda ka taagandeegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag,ayaa yidhi." Dhammaanteen waxa aynu doonaynaa wadanku in uu inoo wanaagsanaado, in uu inoo qurux badnaado, in aynu nabad helno, dhibta ka jirta ama ammaan darrada ka jirta Sool Bari iyo Sanaag xukuumaddu xalka waxay u aragtaa in nabadda lagu xaliyo.”
Waxaanu intaa ku daray Madaxweynaha Qaranku in marnaba aanay ka tegayn Xukuumaddu in ay difaacdo shacbigaiyo dalka ay masuulka ka tahay waxaanu yidhi. "laakiin Xukuumaddu waajibaadkeeda ka tagi mayso inay shacbiga ay iyadu ka masuulka tahay nabadgelyadiisa iyo difaaciisuba iyadaa ka masuul ah”.
Madaxwaynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa soo dhaweeyay baaq nabadeed oo maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ay ku baaqeen in bulshada Ceerigaabo nabad ku midoobaan waxaanu yidhi."Waxan soo dhawaynayaa baaqa nabadeed ee Sanaag inay nabad ku midawda ee Puntland soo jeedisay”.
Madaxweyne Dr Cirro oo ka hadlayay doorka Madaxda dhaqanka ee dalka iyo kaalinta ay qaranka ugu jiraan,ayaa yidhi." kullanka manta(shalay) ee madaxda dhaqanka Somaliland wuxu noo leeyahay mudnaan wayn, waayo madaxda halkan fadhidaa waa madaxdii metalaysay shacabka Somaliland dhammaantii, waa wakiiladii shacabka, waa hoggaankii dhaqanka ee Somaliland, marka muhiimad wayn ayay xukuumadaydu siinaysaa madaxda dhaqanka.
Madaxda dhaqanka Somaliland door taariikhi ah bay leeyihiin, maantana way leeyihiin, markii aan dawladda casriga ahi jirin madaxda dhaqanka ayaa dawlad inoo ahayd, talladeenu waxay taalay Geedka, Geedkana guurti iyo Suldaanka ayaa tallada ku goynayay, Suldaankuna wuxuu ku jiray kaalintii madaxwaynaha iyo kaalintii dawladda, maanta baahidii aynu u qabnay dhaqanka mid ka wayn baynu u qabnaa.”
Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray. "Maantana madaxda dhaqanka gaar ahaan Salaadiinta, Boqorada, Ugaasyada iyo Garaadada waxa ugu wayn ee aanu rabno in aanu idin kala shaqayno anagana nagala shaqaysaan waa nabadda,
Madax dhaqameedka ayaa ah haybada iyo sharafta qaranka Somaliland waana kuwa ka qeyb qaata illaalinta nabada, xasiloonida iyo wada noolanshaha bulshada Somaliland, sidoo kale Madax dhaqameedku waxay fure u yahiin, xalinta khilaafaadka , ka hor tagga colaadaha , waxaana ay aasaas u yihiin dhisamaha Qaranka”.
Dhankooda madax dhaqmeedka Somaliland ayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi uga mahad celiyay munaasibada qado sharafta ah ee uu ku muuneeyay madaxda dhaqanka dalka, waxaanay xuseen inay tallaabadani tahay mid muhiim u ah wada tashiga iyo iska war haynta xukuumadda iyo madax dhaqmeedka oo iskaashi wayn ka dhexeeyo.
Geesta kale madax dhaqmeedka ayaa ballan qaaday inay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo kaalin kasta oo looga baahdo, mar kale waxa ay bogaadiyeen sida wanaagsan ee uu la tashiga ula samaynayo madaxda dhaqanka dalka.