"Gacanta ugu Adag Baanu ku Qabanaynaa Cid Walba oo Nabadda ka hortimaada"

Thursday May 08, 2025 - 13:56:59
hadhwanaagnews
"Gacanta ugu adag baanu ku qabanaynaa cid walba oo arrimahan



Maamulka gobalka Sanaag, Maamulka Labada degmo ee Ceelafweyn Iyo Dararweyne iyo guddidii fulinta go’aamada nabadaynta Ceel Af-wayn oo kulan ku yeeshay Ceel Af-wayn ayaa ku dhawaaqay in ay bilaabeen sidii loo daadejin lahaa go’aamada nabadda ee laga soo saaray shirkii Ceel Af-wayn.

 

Masuuliyiintan ayaa tilmaamay in la isugu iman doono shir ay beeluhu u dhan yihiin kaasi oo lagag xaali doono wixii ay kala tabanayaan iyo sidoo Kalena la isku fari doono awaamiirta iyo shuruucda la raacayo si nabadaasi u noqoto mid aan jabin.

 

Gudoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse oo madasha ka Hadley ayaa sheegay inay gacanta ugu adag ku qaban doonaa cid kasta oo isku dayda inay nabadaasi waxyeelayso ama ka hor timaado go’aamadaasi waxaanu yidhi

 

"Gacanta ugu adag baanu ku qabanaynaa cid walba oo arrimahan ka hor timaada ama arrimahan isku dayda inay carqaladayso”.

 

"Waxyaabaha danbiga lagaga mutaysanayo iyo wayaabaha aanu doonayno in lagu dhiirigalinyo intuba dib bay ka soo baxayaan oo shirarka danbe ee waayeelka lala golo ayay ka soo baxi doonaa, laakiin maanta waxa aan halkan u sheegaynaa bulshada in aan khariiradii jeexnay isku jidna uga dhaqaaqnay” ayuu yidhi sidoo kale

 

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ka maamul ahaan iyo dhamaan guddidii u xil saarnayd dhaqaajinta arrintani ay go’aan ku gaadheen inay arrintaasi sideeda u dhaqaaqdo waxaani yidhi

 

"Golihii deegaanka degmada Ceel Af-wayn iyo guddidii arrintan u xil saarnayd ee dhex-dhexaadka ahayd iyo annaga oo maamulkii gobolka ah, intayadiibaa in aan isku waddo ku joogno, arrintaana dhaqaajinteeda meel ka wada qaadayno Insha allaha.

 

Waxaanu sidoo kale bulshada u sheegaynaa waxyaabihii ka dhinaa, haddii ay dhanka heshiisyada tahay ama xurgufaha beelaha dhexdooda ay tahay wixii ka dhinaa dhamays tirkooda aad baanu ugu diyaarsan nahay”.

 

Gudoomiyaha guddida fulinta go’aamada ka soo baxay shirkii nabadaynta Ceel Af-wayn oo goonta ka hadlay ayaa sheegay in la isla qaatay dhaqaajinta nabadda Ceel Af-wayn, la isuguna iman dooona shir loo dhan yahay, kaasi oo lagu turxaan bixin doono cid kasta oo wax tabanaysa waxaanu sheegay

 

"Haddii aanu nahay guddida fulinta go’aamada ka soo baxay Ceel Af-wayn nabadaynteedii, waxa aanu halkan isla qaadanay oo aanu meel ka wada dhaqaaqnay maamulka heer gobol iyo heer degmo iyo Jananka ciidamada ee u xil saaran xasilinta halkan iyo maayirkii Darar-wayne iyo ku xigeenkii, arrimaha aanu u shiraynay ee aanu halka isugu nimid, wixii danbe ee haddi ay awaamiir tahay iyo haddii ay shuruuc tahay iyo haddii ay wax la is farayo tahayba, shirarka danbe ee bulshadu u dhan tahay baanu ka sheegi doonaa, kaliya waxa aanu doonayay in aanu bulshada la socodsiino in aanu hawshii bilawnay oo ay bar-bilaw tahay oo mid waliba waxa uu tabanayay iyo waxa xaganaya iyo meesha uu wax ka tabanaya la gacan marin doona in aan bulshada u sheegno”.

     
Loading...