M.Cirro Marwalba Waxaad Ka Filataa un Guul'{Muniir Axmed Cigaal, Aggaasimaha Madaxtooyadda Jsl.}

Friday May 30, 2025 - 13:15:13
hadhwanaagnews
Qaarba shaki ka qabay tolow siday Xukuumaddiisu cagaha
May be an image of 3 people


Anigu mid uunbaan ogahay, Madaxweyne Cirro, isagoo Madaxweyne ah iyo isagoon ahayn midna hayaankiisa guuleed may sargoynin, hadaltiro iyo hodhodho.. Qaarba qariibsan jiray kalmada

 Madaxweyne ilaa uu 64-dhibcood boqolayda oo aan hore u dhicin uu Madaxweyne ku noqday. Qaarba islahaa sidee Ciidamo aan ka amarqaadan oo saddex Gobol daadsan uu gacanta Dawladda u soo galinaaya, ilaa ay arkeen isagoo 100-kii casho ee ugu horeeyay ku hirgaliyay.

Qaarba shaki ka qabay tolow siday Xukuumaddiisu cagaha isugu taagin, iyagoo ka sadaalinaya intii u muuqatay ee ahayd halkay Somaliland taalay 5-bilood ka hor.. Qaarba shaki ka qabay siduu u samayn karaa, tirakoobka ciidamadda oo dhan oo hortiiba Madaxweynayaashi ka horreeyay midna aan u suurtaglin duruufo awgood, iyadoo maanta inuu hirgaliyay xaqiiqdu u jawaabtay..

Maantana mid uunban idin sheegaya, halkay Jamhuuriyadda Somaliland gaadho muddo xileedka Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, maalintaas uun marageeda haynoo ahaato Insha Allaah, inta ka horraysa haddiiba aad tahay Ruux, dhawaaanshaha arag uun mid ka arimiya guulaha isu gayso xisaabtankuna haynoo ahaado maxsuulka muddo xileedka Insha Allaah.
Tusan.
Muniir Axmed Cigaal, Aggaasimaha Madaxtooyadda Jsl.
     
Loading...