"Soomaaliya Waa Fashil, Duniduna Waxay ka War-waraysaa in ay ka Dhacaan Wixii Afgaanistaan ka Dhacay…"

Wednesday May 07, 2025 - 16:34:47
hadhwanaagnews
"Fiqina waxaan leeyahay taadu waxay ku dhan tahay meesha aad kilomitir



Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka jawaabay hadalo uu reer Awdal ku kicinayay wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macali Fiqi waxaanu tilmaamay in Soomaaliya maanta fashilan tahay albaabada caasimadana loo joogo, dunidu ay ka war-war qabaan in wixii Afgaanistaan ka dhacay oo kale ay ka dhacaan waxaanu yidhi

 

"Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara, dawladda Soomaaliya maanta iyadaa fashilan, iyada ayaa albaabada caasimadda loo joogaa oo ay adduunyadda oo dhami ay ka qabtaan war-war in maanta wixii ka dhacay Afgaanistaan wax la mid ahi ka dhaco”.

 

Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa wasiirka ugu baaqay inuu ku mashquulo shaqadiisa iyo xukuumadiisa afarta Kiiloomitir dhaafi la’a, isaga oo xusay in aan reer Awdal hadaladaasi qaadanayn waxaanu sheegay

 

"Fiqina waxaan leeyahay taadu waxay ku dhan tahay meesha aad kilomitir afar dhaafi laada’ay iyo dalkaaga iyo dadkaaga intaasi ka badan ee Kismaayo ilaa Puntland is daba jooga ka shaqee reer Awdal kaama maqlayaan waxaa aad sheegayso’e”.

 

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici madaxwayne ku xigeenkii hore ee Qaranka Somaliland oo wax laga waydiiyay Awdal state ayaa sheegay in aanay wax saamayn ah ku lahayn bulshada reer Awdal balse ay yihiin dibada wareeg sii kala qaybsamay waxaanu yidhi

 

"Dadk reer Awdal waa dad reer Somaliland ah, waa warar been ah oo afar qof la wareegayaan, inta yare e dhalinyarada iyo odayaasha dibadaha soc-socdaana wax saamayn ah oo ay gudaha ku leeyihiin ma jirto.

 

Walaalahayo shaqo ayay ka dhigteen mooyaane wax ay saamayn ku leeyihiin gudaha qolada Awdal state la yidhaa ma jirto, iyagii baana hadda u kala socda sadex qaybood”.

 

Gebo’gabadii madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa xukuumadda ku bogaadiyay dedaalka dheeriga ah ee ay ku bixisay nabadda beelaha walaalaha ah ee Ceel Af-wayn waxaanu ILLAAHAY ugu baryay in go’aanadaasi fulaan waxaanu sheeay

 

"Waa arrin guul ah arrintaasi, Ceel Af-wayn waxa ay ahayd nabar Somaliland ku yaalay oo dad walaalo ah oo ILLAAHAY meel wada dhigay oo aan sina u kala maarmi Karin ay dhibato iyo dagaal mar kasta joogto ah oo 10 sano gaadhaysa, laba xukuumadood haddana tii sadexaad soo gaadhay.

 

Runtii dedaalkaasi lama yaraysan oo mar ka horeba sidaasi ayay Somaliland ugu dhamays tiranta oo aniga qudhaydu sided habeen seexday, oo Sheekh iyo shariif Somaliland wixii ay lahayd la isugu tagey balse dawadu markii ILLAAHAY keeno ayay timaadaa, waan hambalyaynayaa xukuumadda cusub inay sidii si la mid ah u gashay, Somaliland isugu wada tagtey, daawadu ILLAAHAY bay ku xidhan tahay inuu keeno ayaynu ka rajaynaynaa oo maanta go’aankaasi lagu heshiiyay sidaasi ku dhamaado”.

     
Loading...