Wasiirka wasaaradda duulista, hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Fu’aad Axmed Nuux Nuur, ayaa sheegay inay dib uga shaqaysiinayaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera, oo muddo xidhnaa.
Wasiir Fu’aad oo booqday garoonka diyaaradaha ee Berbera, ayaa tilmaamay mihiiimada garoonkaasi u leeyahay Qaranka, isla markaana dib u hawlgelintiisu ahmiyad weyn ugu fadhido Qaranka, adeegsan doonaana diyaaradaha Rakaabka iyo kuwa kaargoogu.
Waxaanu yidhi."Qorshahayagu waxa uu yahay in garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera uu shaqeeyo dhawaan, oo diyaaradaha Rakaabka iyo kuwa alaabooyinka sida, ahmiyadda koowaadna waxa ay tahay in garoonkani noqdo mid shaqeeya oo aynu ka faa’ideysano, magaalada Berberina ay noqoto magaalada labaad ee diyaaraha caalamiga ahi yimaadaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo, waanu u mahadcelinayna dhammaan masuuliyiinta laamaha dawladda ee nalagala soo qayb galay shirkani”.