Wasiirka Wasaaradda Horumarinata Biyaha Somliland Abiibakar Cismaan Good ayaa kormeer shaqo ku tegay Gobolka Awdal isgoo wsiirku kormeeray ceelal biyo ah oo laga hirgaliyey degmada Boon isla markaasina u kuurgalay baahida dhinaca biyaha ee ka jirta deegaankaasi.
Wasiirka Horumarinta biyaha oo halkaasi ka hadlay ayaa dadka reer Ceel-baxay u sheegay in uu ka mid ahaa wakhtigii ololaha uu ku jiray xisbiga Dawani deegaankaasi u balan qaaday in haddii ay talada dalka ku guulaystaan wax ka qaban doonaan xaalada biyo la,aanta ee dagaanka Ceel-baxay ku sugnaa safarkodana uu daaran yahay sidii ay balan qaadkii ay ay hore ulagaleen safar koodu daaran yahay sidii ay uga dhabayn lahaayeen.
"Xukuumada aan wasiirka biyaha u qaabilsanay, waxan halkan u imiday in aan fuliyo balanqaadyadii uu Maxawaynahu deegaankan u qaaday wakhtigii ololaha, riigii ugu horeeyey waakaas oo biyihii waa lagaadhay, xarirad waa kaa qodaya idinkana dhawaan haddii alle yidhaa waa in aad gacmaha ku maydhataan” Wasiirka Horumarinta Biyaha.
Kormeekan ayaa wasiirka waxa ku wehelinayey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Salal iyo hawlwdeeno ka tirsan Wasaaradda biyaha Somaliland. Waxana sidoo kale wasiirka iyo waftigiisa si diiran loogu soo dhaweeyey deegaanka Ceel-baxay ee gobolka Salal isla markaasina ay hadalo soo dhawayn iyo mahadnaq ah ka jeediyeen qaarka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Ceel-baxay.
"Annagu balan baan qaadnay hadaa nahay reer Ceel-baxay, Xukuumada dhalatayana balan ayey naga qaaday balankaanu qaadnay waxa uu ahaa in aanu idiin codayno, waanu ka soo baxnay, idinkina balan baad qaadeeno biyahaan idiin galinaynaa baa tidhaahdeen idinkuna waad ka soo bxadeen bay ka dhigan tahay” mid ka mid ah dadka deegaanka Ceel-baxay ayaa sidaas yidhi
Mid ka mid ah Oday dhaqameedka kunool deegaanka Ceel-baxay ayaa waftiga uu wasiirku hogaaminayo u sheegay in ay dadka deegaanka Ceel-baxay xukuumadihii somaliland soo maray eek a horeeyey xukuumada hada talada dalka haysa ka codsan jireen in ay wax ka qabato biyo la,aanta ka jirta deegaanka balse in ay wax u qabtaan iska daaye aanay deegaanka imaan hada se xukuumadani ay fulinayso balanqaadkii ay deegaankan u qaaday wakhtigii ololaha.
Geesta kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Awdal ayaa shalay kulan ballaadhan la qaatay masuuliyiinta iyo maamulka sare ee Shirkadda Shaba, oo ah shirkadda siisa biyaha magaalada Boorama.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarka shirkadda, caqabadaha ay la tacaalayso, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu xallinayo biyo-yaraanta magaalada
Masuuliyiinta shirkadda Shaba ayaa warbixin dhamaystiran siiyay Wasiirka iyo Guddoomiyaha, iyaga oo mid mid u dul istaagay,
Taariikhda iyo halka ay shirkaddu ka soo bilaabatay bixinta biyaha magaalada, xaaladda haatan iyo dadaallada ay shirkaddu ugu jirto horumarinta adeegyada biyaha.
Hadafyadooda mustaqbalka ee ku aaddan ballaadhinta iyo tayaynta adeegga biyaha.
Masuuliyiinta shirkaddu waxay xuseen caqabadaha ay la kulmeen, gaar ahaan biyo yaraanta ceelasha magaalada Boorama, taasoo marba marka ka dambaysa sii kordhaysa. Waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in xukuumaddu qaadato qorshe cad oo lagu xallinayo dhibaatadan si mustaqbalka dhow loogu heli karo biyo ku filan magaalada Boorama.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ayaa bogaadiyay shirkadda Shaba, shaqaalaheeda, iyo masuuliyiinta dadaalka joogtada ah ay u hayaan bulshada reer Boorama.
Wuxuu xusay muhiimadda ayleedahay in si hufan oo habsami leh loo sii wado adeegga biyaha, isagoo ballan qaaday in dowladda ay garab taagan tahay shirkadda si ay uga gudubto caqabadaha jira.
Dowladdu waxay dadaal ugu jirtaa sidii loo xoojin lahaa adeegyada biyaha, loona heli lahaa xalkawaara ee biyo-yaraanta magaalada Boorama.
Wasiirku wuxuu ku dhiirrigeliyay shirkadda in ay sii waddo dadaalladeeda, isla markaana la xoojiyo wada shaqaynta dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo xaqiijiyo helitaanka biyo joogto ah oo nadiif ah.
Kulankan ayaa ahaa dadaalka ay dowladdu iyo shirkadda Shaba ugu jiraan wax ka qabashada biyo yaraanta ka jirta magaalada Boorama. Waxaa la filayaa in wada shaqayntan ay horseedi doonto xal waara, si bulshada loo gaadhsiiyo biyo ku filan oo aan kala go’ lahayn.