Agaasimaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase) oo ka qayb galay madal ay dhalinyarada gobolka Gabiley wax ku waydiinayeen Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dalka ayaa ka warbixiyay waxqabadka wasaaradda warfaafinta ee gobolka Gabiley, waxaanu tilmaamay in ay dhawaan dhisayaan xaruntii wasaaradda ee gobolkaasi.
Agaasimaha wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Cabdisalaan Maxamuud Ducaale (Ilkacase) oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Muddadaa aanu joogno aniga iyo wasiir Axmed Yaaniis Sheekh Cali Ayaanle waxa aanu ku dedaalaynaa in aanu xaruntii warfaafinta ee gobolka dhisno oo ah baahid koowaad ee aan ku arkay, ta agabkana muddo kooban ayaanu joognay wax baanu ka qaban doonaa, balse waxa aanu doonaynaa Maayirka iyo Badhasaabku inay diyaariyaan goobtii laga dhisi lahaa wasaaradda warfaafinta”.
Sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo waycigalinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in guud ahaa gobolka Gabiley ay gaadhaan Idaacadda Qur’aanka iyo Idaacadda barnaamijyada lagana dhagaysto waxaanu yidhi "Gobolkan waxa aad uga shaqeeya qaybta warfaafinta oo dhammaan degmooyinkeeda marka laga reebo Geel-balladh, afarta kale ee degmo’ba shaqaalahaygu way joogaan, wararka idaacadda iyo Raadiyahaba aad baa looga dhagaystaa, sidoo kale FM-ta Qur’aanka iyo idaacadda barnaamijyaduba way soo gaadhaan, waxqabadka qaybta warfaaintu wa aintaasi”.
Sidoo kale Agaasimaha ayaa u kuurgalay xaaladda iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan shaqaalaha warfaafinta Gabiley, taasi oo uu ka xog waraystay isu’duwaha wasaaradda ee gobolka Gabiley waxaanu yidhi
"Maalin dhawayd oo aan Gabiley imi isu’duwaha la kulmay aad baan uga waraystay xaalada gobolka iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan, waxa caqabad ku ahaa oo u ii sheegay agabka warfaafinta iyo meeshii ay ku shaqayn lahaayeen”.