Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacigalinta Jamhuuriyadda Somaliland ahna Af-hayeenka xukuumadda Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo la hadlayay jahliyada reer Somaliland ee Jabuuti ayaa sheegay in siyaasadda madaxwaynaha ay sal u tahay Nabadda iyo wadajirka bulshada.
Wasiir Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa aad ugu dheeraaday waxyaabaha ka dhexeeyay labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti iyo sida aanay u kala maarmi Karin iyo xidhiidhka adag ee ka dhexeeya.
Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in siyaasadda madaxwaynaha Somaliland ay tahay in waxa wanaagsan ee laga midaysan yahay la xoojiyo, sidoo kalena xirfadaha lagu xalinayo kala duwanaashiyaha fikradaha bulshada ay sidoo kale tahay siyaasadda madaxwaynaha waxaanu yidhi
"Waxa wanaagsan ee laga midaysan yahay in la xoojiyo waa siyaasadda madaxwaynaha Somaliland, Bani’aadamku ma waayo wax uu ku kala aragti duwan yahay, aragti duwanaashahaa laga kala aragti duwan yahay ama la kala dan duwan yahayna, xirfadaha lagu xakameeyo ayaa u siyaasad ah madaxwaynaha”.
Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa tilmaamay in labada madaxwayne ee Somaliland iyo Jabuuti ay aragti fog u leeyihiin in aan ummadani kala tagi Karin, kalana maarmi Karin isla markaasina ay ka shaqaynayaan in khilaafku hoos u dhaco iskaashiguna kor-u-kaco waxaanu yidhi
"Waxaan rajaynaynaa in khilaafkuna hoos u dhaco iskaashiguna kor-u-kaco, waxay ku xidhan tahay hogaamiyaha marba tallada hayaa iyo hogaamiyeyaasha ummadda hogaaminayaa aragtida fog ee ay u leeyihiin in ummadani aanay kala tagi Karin, kala irdhoobi Karin, kala maarmi karin, labadan dal ay walaalo yihiin, taasi ayaa labada hogaamiye aan ka filaynaa, kulana shaqaynaynaa, kuna wada shaqaynaynaa, ILLAAHAY na nagu guulaynayaa”.