Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JSL Mudane Cabdilahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa ka qayb galay shir caalimiya oo kusaabsan aqoon is weydaarsi ay soo qabanqaabisey Jamacadda UCL London-UK.
Dood cilmeyeedka ayaa diiradda lagu saaray sidii dadyowga ku nool Geeska Afrika loogala shaqeyn lahaa adeegsiga cilmiga lagaga bixi lahaa biyo yaraanta iyo sidii dadku uga qayb qaadan lahaayeen illaalinta deegaanka.
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Somaliland ayaa ka mid ah wefdi balladhan oo kasocda xukuumdda iyo goleyaasha Qaranka JSL oo dhawaan gaadhay dalka Ingiriiska oo u socda hawlo muhiim u ah dalka.
Wefdiga miisaanka culus ee ka socda Somaliland ayaa ka qayb geli doona xuska 18may oo bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan boqortooyada ingiriisku si weyn ugu diyaar garooben.
Wasiirku wuxuu sii wadan doona socdaalkiisa uu dalka UK ku joogo isagoo la kulmi doona qaybaha bulshada Somaliland ee dalka ku nool, Jaamacaddo iyo Hay’addo rasmi ah oo dawladda UK ka tirsan.