"Halka Sabab ee aad u walwalsan tahay waa in maskaxdaada ay ka buuxdo fikrado cabsi ah.

Friday January 24, 2025 - 01:56:16
hadhwanaagnews
Caqabadahaagu Waa sax. ma'ahan kuwa mala-awaal ah




Guuldarro iyo Mugdi intaba leh. si aad uga hortagto akhri kitaabka qur'aanka oona xifdi inta aad awoodo, Waxaad ka heleysaa farxad, rajo, iimaan iyo dhalaal, aqri oo hadana aqri ilaa fikradaha hal abuurka leh ee ku hareereesmaan miirkaaga, dabadeed miyirkaaga ayaa kuu soo Celin doona waxa aad sii say oo ah ha walwalin".

Aamin Nafsadaadda

Nafsadaada aamin! Aamin awoodaada! khushuuc la'aan. iska dhaaf kalsoonida waalida ah ee aad ku qabto inaadan guuleysan karin ama aad farxad heli karin. keliya Naftaada ku kalsoonow waad guuleysan kartaa. laakiin dareenka ah ina aadan waxba qabsan karin iyo in aad liidato, waxay kaa hor istaagayaan gaarista hamigaaga balse kalsoonida nafeed waaxay kuu horseedaa is-xaqiijin iyo ku guuleysiga guulahaaga, sababtuna waa hab-dhaqanka maskaxda.

Buuggaan waxa uu kaa caawin doonaa inaad nafsadaada aaminto iyo inaad banaanka usoo bixiso awoodda gudahaaga ahaatey.

Caqabadahaagu Waa sax. ma'ahan kuwa mala-awaal ah. laakiin runtii uma adko sida ay kugu muuqdaan. Aragtida maskaxdaada waa qodobka ugu muhiimsan, Rumayso in allaha qaadirka ahi uu ku galiyey awood aad naftaada ugu bixin lahayd dhibka adag adigoo ishaada si adag ugu haaya awooda ilaahay. Naftaada U xaqiji in awooda ilaahay aad kuu samayn karto wax kasta oo ay tahay inaad samayso. Rumayso in awooda ilaahay kaa saareyso cadaadiska adiga. in awooda ilaahay kuu keeni karto dareenka guusha aho.

Haddaba markale dib u fiiri caqabadii ku dhibaysay adiga.Waxaad ogaanaysaa inaysan ahayn mid u cabsi badan sida aad u malaynaysay.

Magaca buugga- Awoodda hab-fikirka wanaagsan.

Qoraaga- NormN Vincent prale

Turjumidda- Khaalid shariif

Dhiganahaan aadka U magaca weyni wuxuu ka koobanyahay: 277bog. iyo, 17-Cutub oo kala muhiimsan.

akhris wacan iyo qeybta xigta.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...