Haayada Somaliland uqaabilsan inay ilaaliso isku badalka
Tan iyo intii lagalay olalihii doorashadii madaxtooyada ee dabayaaqadii sanadkii hore 2024 waxaa sare kac ku yimi qiimaha isku badalka lacagaha qalaad ee dollar iyo shilinka Somaliland taas oo uu gaadhay heerkii ugu saraysay abid oo ah in $1 uu suuqayada magaalooyinka lagu kala iibsado 11600slsh taas oo ay sabab u ahayd lacago badan oo Somaliland shilling lagu soo daayo goobaha kala badalka lacagaha iyadoo eeda ugu weyn lahayd xukuumadii waqtigaa jirtay taas oo dhagaha ka furaystay in wax laga qabto sarif bararka dalka ka dhacay.
Haayada Somaliland uqaabilsan inay ilaaliso isku badalka lacagaha qalaad iyo ta dalka waa baanka dhexe waana meelaha inta badan ay ku fashilamaan masuuliyiinta dawlada ee loo soo magaacabo hadaanay ka gonayn inay isbadal la taaban karo ku samayn, sida ay usocoto shaqada meesha taala.
Madaxweynaha dhawaaan la doortay Cabdiramaan Maxmed Cabdilaahi ujeedadii loogu codeeyay waxay ahayd in uu isbadal dalka ku samaynayo, marka la eegyo bulshada danyarta ah waxa ay rajjo weyn ka qabaan in xukuumada cusub ay wax ka qabto sarif bararkan dalkii ku habsaday si nolsha bulshadu ay kor ugu soo kacdo tusaale ahaan askriga somalilnd ee qaata 1800000slsh marka uu suuq la yimaado oo tusaale ahaan is yidhaa kiro, laydh, iskuul, intaaba ka bixi taas oo lagag iibinayo doolar waad garan kartaa meesha ay nolosha bulshu gaadhay iyo dhibaatada soo food saartay muwaadiniinta ku shaqeeya shilinka somaliland ee uu sababay sarif bararka dalka ku habsaday.
Maamuladii loo soo magacaabayay baanka dhexe ee somaliland mid waliba wuxuu soo maray caqabdo iyo waqtiyo kala duwan lakiin waxaa lagu qiimaynayay sida uu uwajaho ee uga gudbo isagoo kaashanaya aqoontiisa, shaqaalihiisa iyo awoodiisa uu sharcigu xaqa usiiyay, waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka xuso guddomiyihii hore baanka dhexe mudane cali ibraahim jaamac April 26 2018 waxay ahayd maalintii uu la wareegay xafiiska masuulkani Inta Somaliland joogta ama la socota dhaqdhaqaaqa isku bedelka lacagaha waxa uu maraayey halkii ugu saraysay sixir bararku somaliland min qiyaas ahaan halkii dollar $1 waxaa lagu sarifanayey toban kun iyo todoba boqol oo Somaliland shilin ah 10700Slshl.
Dadaal dheer iyo karti ay aqooni ka muuqato waxaa u hawl galay Ali baqdaadi oo aan u arko gudoomiye ka soo baxay shaqadiisa uu hayay qarankiisa isaga oo $1 gaadhsiiyey sideed kun iyo laba boqol oo shilinka Somaliland ah 8200Slshl, maalintii uu xilka warejinayay waxa uu ku faanay in dalka ka badbadiyay xaaladii covid 19teen oo khalkhal dhaqaale galiyay qaar ka mid ah dalalka caalamka, waxa uu sidoo kale sheegay in lacagta somaliland lagu isticmaalay dalalka jaarka.
sidoo kale waxa uu xusay in shilinka kor uqaaday boqolkiiba labaatan 20% daadaalda uu sameeyay kale ee lagu xasuusan doono waxa ka mid ah inuu uu sariflayaashii dalka uu sharciga dalka ku hogaamiyay isagoo faray inay u hogaansamaan awaamiirta uu baanka dhexe sida maalin laha uu usoo saaro wuxuuna meesha ka saaray suuqi madoobaa ee dollarka lagu kala iibsan jiray taas oo ubaahan In loo mahad celiyo laguna maamuso.
hadaba markaynu Barbar dhigno maamulkii xilka kala wareegay guddomiye baqdaadi ee uu hogaaminaya mudane Cali Cabdilaahi daahir waxa uu la wareegay dollarka oo lagu fadhiisayay $1 8500shsl maanta oo ay tariikhdu marayso 18/1/2025 $1 10770sls
Waxaa hoosu dhacĂ ku dhacay shilinka dalka wanna fashil weyn oo usoo hoyday baanka dhexe ee somaliland iyo maamulkiisa.
Fashilada kale ee usugnaaday hayadan waxaa jira qaab tuugnimo ah oo ay ula shaqaysto sariflayaasha dhiigmiiratad ee aan bulshadooda aan unaxin wanna fariinta maalinlaha ee uu soo saaro taas oo lagu sheegayo heerka uu sarifka marayo, taasi waxay sababtaa in bulshada lacagta dollarka ah lagag urursado qiime aad uhoseeya hadhowna lagaga iibyo qiime aad usareeya khiyaandaana sababteeda uu leeyahay baanka dhexe ee Somaliland.
Isku soo wada duuduubo maxay tahay fariinta aan udirayo Guddomiyaha cusub ee baanka iyo maamulka lala soo magaacabay.
1. In uu la tashado cidkasta oo khabiir adeegyada baananka dawlada.
2. Inuu wada shaqayn buuxa la yeesho maamulka lalsoo magacaabay.
3. Inuu ururka sariflayaasha iyo baanka dhexe kala saaro madaama maamulkan uu xilka kala wareegay ay sariflayaashii ka awood bateen taas oo ay gaadheen heer iyagu gooyaan qiimaha isku badalka.
4.inuu soo celiyo adeegii isku badalka dollark iyo shillinka ee gacanta danbe taas oo ay sariflayaashu joojiyeen sanadihi udanbeeyay.
5. Inuu ku dadaalo sidii uu sixirka isku badalka uu fidhiisin lahaa si la mid ah talaabadii uu qaaday Guddomiyahii hore ee baanka cali ibraahim baqdaadi.
6. Inuu subax walba indho indhayn iyo ukuurgalo xalaada maaliyadeeda ee dalka.
7. Inuu maalin walba soo saaro heerka uu marayo isku badalka lacagaha qalaad iyo shilinka dalka cidii ku dhaqmi waydan uu talaabo ka qaado.
8. Inuu meesha ka saaro sarifkan suuqa madow cidii lagu qabtana talaabo adag laga qaado.
Qalinkii Cabdiraxiin Cabdilaahi shiine