Dawlado badan ayaa aqoonsaday Somaliland oo noqotay
Sanad guuro wacan oo wanaagsan dhammaan muwaadiniinta Jamhuuriyada Somaliland.
Waa maalin Taariikhi ah, waa 26-kii Bisha June, waa habeenkii ay dhalatay ee abqaalantay Somaliland, waa habeenkii dawladnimadii ugu horraysay ee Somaliland Calanka looga taagay, udubkana dhulka loogu muday, maamulkii iyo maarayntii dawladnimo- na ay majaraha u qabteen muwaadiniin-ta Somaliland.
Dadka Somaliland oo ahaa bulsho xoolo raacato (ilaalin) iyo xoolo dhaqato (daryeel) oo reer guraa ah ayaa muddo dheer oo dhulkoodu gacanta ugu jiray gumaystihii Ingiriiska, ay xoriyadooda heleen 26 June 1960-kii, iyaga oo wakhtigaas yagleelay nidaam dawladeed oo xukunku gacanta ugu jiro muwaadiniinta.
Dawlado badan ayaa aqoonsaday Somaliland oo noqotay qaran ku soo biiray Dunida. Nasiib darro-se Somaliland waxay dawladnimadeedii iyo dalnimadii dunidu aqoonsantay ku burburisay maalmo kooban, Somaliland waxa ay si aan sharci ku dhisnayn oo bilaa sharuud ah ula midowday dawladdii ka dhalatay koonfurta Soomaliya 1-kii Jully 1960-kii.
Midowgaa oo ah mid haddii dunidu ka garnaqdo ay libaysanayso Jamhuuriyada Somaliland, maadaama oo aanay jirin qodobo qoran oo ay labada dal ay ku heshiiyeen.
Ilduuf iyo ambasho siyaasi ah oo ay sabab u yihiin hormuudkii waqtigaas ee hogaanka dalka Somaliland ayaa sadqeeyey jiritaankii dawladnimo iyo dalnimo. Dawladnadii godka ku dhacday waxa bulshadu u gashay halgan hubaysan oo naf hurnimo ah.
18 May 1991-kii ayay ummadda Somaliland la soo noqotay dawladnimadii Somaliland, waxana ay sidaa ku noqdeen dawlad maddaxbanaan.
Somaliland inkasta oo ay ku guulaysatay in ay taladii iyo maamulkii dhulkeeda ku soo celisay gacanta muwaadiniinta Somaliland, wali nasiib umay helin in dunidu u aqoonsato dal ka mid ah qaramada adduunka, taas oo ay maalmo kooban ku heshay sannadkii 1960-kii.
Nidaamka dawladnimo wanaagga, doorashooyinka xalaasha ah iyo nabad gelyada geyiga Somaliland oo ah furaha aqoonsiga, ayaa ah waddada loo marayo mar kale haybinta iyo raadinta aqoonsi caalami ah, waana jidka ay si wada jir ah u xariiqdeen ummadda Somaliland.
Hadafkeenu waa hore u socosho.
Dr. Maxamuud Saleebaan Ducaale Yuusuf