Dalka Itoobiya,
tobanaan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen shil baabuur oo ka dhacay waddo
ku taalla gobolka Sidama ee koofurta Itoobiya.
Sarkiisha gobolka iyo
kuwa xaafimaadka ee Isbitaallada ayaa VOA-da u sheegay in ugu yaraan 71 qof ay
ku dhinteen Shilka ka dhacay degmada Bona oo ku taalla bariga Sidama. Sidama
ayaa dhanka koofureed uga beegan magaalada Addis Adaba.
Mate Mengesha, oo ka
mid ah madaxda dowladaha hoose ee deegaanka ay masiibadu ka dhacday ayaa VOA-da
laanta Itoobiya u sheegay, in shilku ka dhacay wabiga Galana oo 125 u jira
magaalada Hawassa ee caasimadda Ismaamulka Sidama.
Wuxuu sheegay in
baabuur kuwa xamuulka ah oo waday rakaab fara badan uu ka baxay buundo ama
bariij uu marayay kaddibna ku dhacay webiga.
Dadka dhintay ayaa
isugu jiray 68 rag ah iyo saddex dumar ah. Dhibanayaasha ayaa la sheegay in ay
kasoo laabanayeen xaflad aroos, kuna sii jeedeen guryahooda.
VOA.