Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta ahna afhayeenka xukuumada Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali ayaa shalay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee Magaalada Hargaysa kulan kula yeeshay qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA.
Kulankan madaxda Wasaaradda Warfaafinta, ururka SOLJA iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay, waxa Wasiirka waxa ku wehelinayey Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Cabadisalaan Maxamuud Ducaaale (Ilkacase) iyo La-taliyaha Madaxwaynaha Somaliland ee arimaha Warbaahinta Xamse Cali Bulbul.
Ujeedada Kulankan ayaa aheyd sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa qaranimada Somaliland, isla markaa loola socon lahaa isbedalada ka socda geeska Afrika.
Geesta kale Wasaaradda iyo ururka Suxufiyiinta ayaa waxa ay isla soo hadal qaadeen in la xoojiyo kulamada noocan ah si uu u wanaagsanaado xidhiidhka ka dhaxeeyay warbaahinta madax banaan iyo xukuumada, gaar ahaan Muuq baahiyayaasha madaxa banaan.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Axmed Yaasiin iyo La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Saxaafadda Xamse Cali Bulbul oo hadalka iska daba maray ayaa sheegay oo hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay iskaashiga warbaahinta kala duwan ee Somaliland, si loo gaadho yoolalka uu qaranku higsanayo, waxaanay tilmaameen in xukuumadda cusub iyo Warbaahintu ay si fiican isula jaan qaadeen, loona baahan yahay in halkaasi laga sii wado wada shaqaynta labada dhinac
Gabagabadii Kulankan ayaa ku soo dhammaaday is afgarad iyo in halkaasi laga sii wado wada shaqaynta u dhaxyasay Wasaaradda iyo warbaahinta madaxa banaan.