Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan casho sharaf ah Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Abwaannada, Fannaaniinta, iyo qaybaha kala duwan ee bahda dhaqanka reer Somaliland.
Kulankan casho sharafta ah oo ka mid ah kulammo is daba joog ah oo uu Madaxweynuhu hore ula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay ujeeddadiisu ahayd mahadnaq uu Madaxweynuhu ugaga mahad naqayey kaalinta muhiimka ah ee ay bahda dhaqanku ku leeyihiin wacyi-gelinta , hagista, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka bulshada, iyo wadajirka iyo midnimada ummadda Somaliland.
Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo hadal qiimo badan ujeediyay bahda Suugaanta, hal-abuurka iyo dhaqanka reer Somaliland ayaa tilmaamay in kulankani uu yahay mid lagu maamuusayo bahda Suugaanta iyo Qalinleyda dalka waxaanu ka marag kacay kaalinta muuqata ee ay dalka iyo dadkaba ugu jiraan, isaga oo ku boggaadiyay hawshaasi waxaanu yidhi
" waxa aynu isugu nimi munaasibada ka duwan kuwii caadiga ahaa, waa habeen lagu maamuusayo haldoorka Suugaanta, fanka, curinta iyo hal-abuurka, waa habeen lagu xusayo dadka kor u qaada karraanka ummadda, dadka qalinka iyo codkaba ka dhigay aalad horumarineed iyo dadka hogaaminaya dareenka bulshada rag iyo haweenba leh.
Hal-abuurka kale duwan ee ummaddu leedahay ha ahaado Gabyaa, fanaan, qoraa, jilaa, farshaxanle ama cilmi baadhe, waxay leeyihiin ileyska u iftiiminaya jidka bulshada, marka afka la iftiimiyo, dareenka la dar-dargaliyo ummaddu toos bay u dhaqaaqdaa”.
Geesta kale madaxwaynaha Somaliland ayaa ku dheeraaday sooyaalkii taariikheed ee ay bahda Suugaantu ka soo qaateen wadajirka ummadda, dhiska Qaranimada iyo jihaynta bulshada, waxaanu u soo jeediyay inay noqdaan tiirka nabadda iyo horumarka waxaanu sheegay
" Waxaynu marag ka nahay kaalintii waynayd ee hal-abuurku ka soo qaatay dhismihii wadaniyadda, dar-dargalinta dareenka shacabka iyo xoojinta halgankii xornimada.
Hal-abuurka maanta waxa aan ka rajaynaynaa inay noqdaan tiirka nabadda, horumarka iyo isu tanaasulka dhexdeena looga baahan yahay, xaalad kasta oo bulsho la tacaalayso, hal-abuurka bilaaba”.
Dhinaca kale madaxwaynaha ayaa madasha kaga dhawaaqay in la dhaqan galinayo Abaal-marinta Qaranka ee hal-abuurka, taasi oo lagu dhiirigalinayo dhammaan bahda Suugaanta iyo Qalinleyda waxaanu tilmaamay
" Caawa waxa aan idiin sheegayaa go’aan xukuumadda wadajir iyo waxqabad oo mihiim ah, waxaan si rasmi ah u dhaqan galinaynaa abaal-marinta Qaranka ee hal-abuurka, taasi oo sanad kasta lagu maamuusi doono haldoorka suugaanta iyo Afka, abaal marinta waxaan ugu magac Darnay halyaygii curiyay heesta Jamhuuriyadda Somaliland Abwaan Xasan Sheekh Muumin Gorod.
Waa abaal marina an rajaynayo inay dhiirigalin doonto curinta, ilaalinta iyo horumarinta suugaanta iyo hal-abuurka reer Somaliland, waxa qorshahan hirgalin doona wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta, ujeedadeenu waa in la helo bulsho curin leh, karti u leh inay xaliso dhibaatooyinkeeda, kuna dhiirata horumarinta fikirka iyo Afka Soomaaliga, Suugaantu ha noqoto meel aynu ku midaysan nahay, ku heshiino, kuna horumarino dalkeena”.
Gebo’gabadii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa sheegay in bahda Suugaanta laga filayo inay noqdaan codka midayna dadwaynaha iyo maskaxdii curin lahayd mustaqbal ifaya waxaanu sheegay
" Maanta waxa la idinka filayaa in aad noqotaan, xidiidhka jiilasha isbadelaya, Qalinkii cabiri jirey Qaranimada iyo Gobonimada, codkii midayn jirey dadwaynaha dhexdooda iyo maskaxdii curin lahayd mustaqbal muuqda oo ifaya.
Suugaantu ha ahaato Aalad aynu ku dhisno danta guud, Nabadda iyo wadajirka iyo horumarka Somaliland, Qalinkiinu ha noqdo muraayadda aan iska eegno, codkiinuna ha noqdo dabciga aan dunida la wadaagno”.