"Hadal Waxaa Ka Horreeya Hubsashada"

Wednesday May 07, 2025 - 16:26:27
hadhwanaagnews
Nin Eebe kumanaystay caqli iyo cududba oo ay magaalada



Hadal waxaa ka horeeya hubsashadda, maalmaha wanaagsani way soo socdaane ee war moogow ma laguu waramay?

 

Nin Eebe kumanaystay caqli iyo cududba oo ay magaalada oo dhami ka haybeysato, ayaa waxaa u yimid nin aad u dayacan oo darxumo iyo tiiraanyo ay ka muuqato, kolkaasuu weydiiyay ninkii caliga badnaa ee magaalada oo dhammi ka haybeysaneysay : Waxaan doonayaa in sidaada aan u noolaado oo ay Ummadu i ixtiraanto ee tolow maxaan sameeyaa?

 

Ninkiibaa waxa uu ugu jawaabay

 

Oo yidhi : Horta hugaaga soo hagaaji oo hadalkaagu ha noqdo mid Rejo iyo Reyn-reyni ku dheehan tahay kadibna waa hubaal inuu hab-dhaqankaagu noqonaayo mid wanaagsan oo dadku ay ku soo hirtaan.

 

Halkiibuu ninkii ka baqoolay oo uu ku qaatay taladii ninkii isagoo hugiisana wanaajinaaya kadibna cid walba oo ka hortimaada ku odhanaaya ” Maaalmaha wanaagsani way soo socdaane ee warmoogow ma laguu waramay? Ayaa waxaa ka horyimid lataliyaha boqorka ee magaaaladaas oo ka yabaalsanaa xaaladda adag ee uu wadankiisu maraayo,kolkaasu wareystay ninkiiodhaahda ku cel-celinayay ayaabuu wuxuu ku yidhi :

 

Ma waxaad tahay faaliye? wakhtiga wax ka yaqaan markaasuu ugu jawaabay. May laakiin waxaan ogahay in marwaliba wakhtiga adag uu ka dambeeyo wakhti wanaaagsan.

 

Kolkaa naftaada ku ababi in wax waliba ay leeyihiin dhammaad iyo bilaw, ninkii lataliyaha boqorka ayaa sidii ugu geeyay ninkii boqorkii magaaladda oo halkii ku qaabilay ninkii huga wanaagsanaa ee hadalka soocana ee habdhaqankiisuna sareeyay, isla markiiba boqorkii ku qaatay ninkii inuu ka mid noqdo la taliyayaashiisa gaarka ah, nuxurka qoraalka iyo xikmada ku aasan ayaa ah, ninna nin wax ma dheera marka laga reebo garashada in Rejadu iyo Reyn-reytu tahay hadba sidaad u aamin santahay bed-qabka qalbigu waa wax lays dheeryahay ee hays dhigan oo hays dhiibin Ilaahay lagama quustee. Qoraa Yaasiin Daahir Cumar Yaasman

     
Loading...