Weedha "Waxaan Ahay Doqon"

Thursday April 24, 2025 - 12:09:24
hadhwanaag
Macalinka ayaa famhi waayay sababta qosolkooda, laakiin

Si kaftan ah oo aad u xun, ayuu arday dhabarka shaadhka saaxiibkii ku dhejiyay warqad ay ku qoran tahay "waxaan ahay doqon baan ahay”…

Arday keliya uma sheegin waxa dhabarka kaga qoran, Arday kastaana wuu ku qoslay. Wax yar ka dib waxaa bilaabantay xiisadda xisaabta ee fasalka. Macalinka ayaa soo qoray su’aal adag!!!

Arday keliya oo su’aasha gartay ma jirin oo ka jawaabay, laakiin waxa keliya ee ka jawaabay oo saxay ardaygii ay shaadhkiisa lagu dhejiyay warqada. Ardaydu dhamaantood way qoslayeen, laakiin ardayga yari muu fahmin sababta qosolkooda.

Macalinka ayaa famhi waayay sababta qosolkooda, laakiin markii arkay warqadii dhabarka kaga taalay ee ay ku qoran tahay " doqon baan ahay”. Ayuu ku amray ardaydii kale inay u sacabka u tumaan ardaydan xariifka

" Inta anaan ciqaabin dambiilaha waxaan idiin sheegayaa laba arrimood:

Inta aad nooshahay dadku waxay gashan doonaan dhinacyada shaadhkaaga oo waxa ay ku qorayan arriimo badan oo loogu talagalay inay dib kuu soo jiidaan mar kasta oo aad isku daydo inaad hore u socotid”.

Waxa kaliya ee ay tahay inaad sameyso waa inaad iska indhatirto, oo aad hore u socoto.

Midda labaad waxa iska cad in aanu saaxiib wanaagsan idinku dhex lahayn, kaasi oo uga sheegi lahaa warqadda ka dibna shaadhka uu iska siibo , ama ka gooyo warqadda lagu dhejiyay. Haddab Muhiim maaha inaad saaxiibo badan yeelato, waxa muhiim ah inaad naftaada ku tiirsanaato, oo kalsoonaato, iskana indha tiro in cid kale wax ku qabanays.

Ardaygan haddii uu ogaan lahaa warqadda dhabarkiisa ku dhejisan xataa kama jawaabeen su’aasha xataa isagoo garanaya , si aan loo arag dhabarkiisa waxa ku dhejisan. Iska indho tir dhaliil kasta si aad u gaadho yoolka dhabta ah ee aad higsanayso.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...