Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka hadlay shir-waynaha heer Qaran ee Somaliland ayaa ka marag kacay ku dhiirashada madaxwaynaha ee Qaramaynta ciidamada Madaniga ah oo uu wasiirku ku tilmaamay in ay dawladnimadda Somaliland ay khatar ku noqon lahaayeen, haddii aanu madaxwaynaha Somaliland hawshaasi ku dhiirran lahayn.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle waxa kale oo uu sheegay in sababta ay Soomaaliya la dawladoobi la’dahay ay tahay Qorigii gacanta shacabka galay oo ay weeyeen wax ka xareeya. Taasina ay tahay sababta ay dawlad u noqon kari la’adahay wax ka badan dhawr iyo soddon sannadood.
Wasiir Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Dawladnimadu waa awoodda oo ay cidi gacanta ku hayso, cid baa u xil saaran inay cid kasta ka awood badan tahay oo hub, amar iyo dhaqaaleba gacanta ku hayso, cid kale haddii ay soo baxdo oo awood hub leh, dhaqaale leh, waa waxa ummaduhu ku dumaan”.
Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa dhinaca kale tilmaamay in dhibaatada ugu wayn ee dalka Soomaaliya ka jirtaa ay tahay in hubkii gacanta dadwaynaha galay oo ay muddo afartan sanno ah cid ka qaada la la’yahay, waxaanu yidhi "Walaalaheen ILLAAHAY ha ka saaro’e afartan sanno waxa ay u dawladoobi la’yihiin qorigii gacanta shacabka galay, wax ka xereeya ayuun bay waayeen, kaliya waa intaasi inta inoo dhaxaysaa.”
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa ku dheeraaday khatarta hubku marka uu gacanta dadwaynaha galo iyo sida uu u saameeyo dawladnimada, waxaanu xusay in markii Soomaaliya burburtay in Odayaashii dalka Somaliland ay hubka ka ururiyeen bulshada dawladna yagleeleen waxaanu yidhi "Walaalayaal markii aynu inagu Qaranimadeena la soo noqonay 1991-kii, dawladdii dhexe ee Soomaali ka dhaxaysayna ay burburtay, dad xikmad leh oo caqli leh oo iimaan leh oo Caqiidadoodu ay quwad leedahay ayaa qorigii inaga xareeyay oo dawlad inoo yagleelay”.
Gebo’gabadii wasiirka ayaa madaxwaynaha ku bogaadiyay hawsha baaxadda leh ee uu ka qabtay Qaramayta ciidamada madaniga a, isaga oo xusay in halis ay ku noqon lahaayeen dawladnimada iyo horumarka dalka waxaanu yidhi "Maxadwaynaha Qaranka waanu ugu mahad-naqaynaa, way faruurmi gaadhay dawladnimadeenu mar haddii uu shacabku hub qaato, laba dawladood ma wada shaqayn karaane dawlad la’aan uun baa xigaysa, waxaanu madaxwaynaha ku bogaadinaynaa inuu ku dhiiraday inuu hubkii ku soo ururiyo gacanta dawladda, dawladnimadaa inagu filan oo ina difaacaysa”.