Kulan Dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada iyo Xarumaha Barashada Farsamada Gacanta

Thursday April 24, 2025 - 12:07:05
hadhwanaag
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd isbarasho Agaasimaha cusub ...



Waaxda Farsamada Gacanta ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Bar-baarinta Somaliland ayaa kulan muhiim ah la yeelatay masuuliyiinta iyo wakiillada xarumaha bixiya barashada xirfadaha farsamada gacanta ee dalka.

 

Kulankan oo lagu qabtay xarunta guud ee wasaaradda ayaa waxaa soo agaasintay waaxda Farsamadda Gacanta ee wasaaradda, waxaana hoggaaminayay Agaasimaha cusub ee waaxda, Mudane Maxamed Cali Cumar, oo ay wehelinayeen madax-qaybeedyada waaxda.

 

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd isbarasho Agaasimaha cusub ee Waaxda Farsamada Gacanta iyo maamulka xarumaha bixiya waxbarashada farsamada gacanta, iyadoo sidoo kale lagu soo ururiyey xogaha la xidhiidha habka ay xarumuhu u shaqeeyaan.

 

Dhinaca kale waxaa kulanka diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada xirfadah farsamada gacanta, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha jira iyo sidii xarumuhu ula jaanqaadi lahaayeen himilooyinka wasaaradda waxbarashada iyo Bar-baarinta Somaliland ee ku saabsan kor u qaadista xirfadaha shaqo iyo shaqo-abuurka dhalinyarada, si wax looga qabto horumarka dhaqaalaha iyo nolosha bulshada.

 

Muddadii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale xarumaha lagu wargeliyey xeerarka, siyaasadaha, istaraatijiyadaha iyo habraacyada rasmiga ah ee lagu hagi doono bixinta waxbarashada xirfadaha farsamada gacanta, si loo hubiyo tayada waxbarashada

 

Ugu dambayn, Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta ayaa si gaar ah ugu bogaadiyey masuuliyiinta xarumaha dadaalka ay muujiyeen iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Wasaaradda.

 

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in Wasaaraddu garab taagan tahay xarumaha, isla markaana uu qorsheynayo inuu booqdo xarumaha si uu ugu kuurgalo xaaladooda iyo horumarkooda.

     
Loading...