Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xarunta wasaaradda kulan muhiim ah kula la yeelatay masuuliyiin sare oo ka socdey shirkadda caalamiga ah ee Island Green Power, oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, ayaa ay kulankan ku wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud, Agaasimaha Waaxda Tamarta, Mudane Cabdirisaaq Maxamed, la-taliyeyaasha Wasiirka iyo Agaasimaha Guud – Dr. Fuaad Yuusuf iyo Mudane Madar Iimaan.
Kulankan ayaa daaranaa fursadaha maalgashi ee tamarta la cusboonaysiin karo, gaar ahaan tamarta laga dhaliyo cadceedda, waxa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo sidii shirkaddu door muuqda uga qaadan lahayd horumarinta nidaamka tamareed ee Somaliland.
Geesta kale Wafdiga ayaa uu hoggaaminayay Aasaasaha shirkadda ahna Maamulaha Guud CEO Mr. Ian Lawrie, kaasi oo uu wehelinayey Ms Chandni Reparilia oo ah Madaxa Fulinta iyo Madaxa Sharciga ee shirkadda.
Kulankan ayaa Waxaa qaybka ahaa Danjire Baashe Cawil Cumar oo kaalin muhiim ah ka qaatay fududeynta iyo isku xidhka labada dhinac.
Masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ayaa shirkadda la wadaagay xog muhiim ah oo ku saabsan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin tamarta cadceedda, dabaysha, iyo kulaylka dhulka hoostiisa kuwaas oo dhamaantood suurtogal ka dhigi kara koboc waara oo dhanka tamarta ah.
Shirkadda Island Green Power oo caan ku ah hirgelinta mashaariicda waaweyn ee tamarta cadceedda iyo kaydinta tamarta, ayaa si diirran u soo dhawaysay fursadaha ay ku arkeen Somaliland Waxayna rajo ka muujiyeen inay ka mid noqdaan qayb ka mid ah horumarka tamareed ee dalka Somaliland, iyaga oo xiisaynaya in ay maalgashi iyo farsamo ku taageeraan dadaallada kor loogu qaadayo tamarta nadiifta ah.
Gabagabdii Wasaaraddu waxay u qorsheysay waftiga shirkadda in ay kormeer ku tagaan xarumaha waaweyn ee tamarta korontadda dalka, si ay ugu kuur galaan mashaariicda.