Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in khudbadii dastuuriga ahayd ee u horreysay ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu ka horjeediyay labada gole ee baarlamaanka lagu ammaanay, isla markaana shacbiga Somaliland ku muujiyeen taageeradooda aragtida mustaqbalka ee hoggaaminta madaxweynaha.
Afhayeenku wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu caddeeyay in waxyaabaha khudbada madaxweynaha lagu majeertay ay ka mid tahay inay ahayd mid soo bandhigtay qorshe cad oo dhammeystiran oo horumarineed, oo uu madaxweynuhu ku xoojiyay muhiimada ay leedahay midnimada shacabka Somaliland, dib u habeynta ammaanka iyo caddaaladda, adkaynta dimuqraaddiyadda, iyo kobcinta dhaqaalaha.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray in madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu khudbadiisa ku faahfaahiyay ballanqaadkiisa ku wajahan xoojinta hannaanka doorashooyinka iyo dhiirrigelinta maamul wadaagga, oo uu tilmaamay inay soo dhaweeyeen shacabku gudo iyo dibadba iyo siyaasiyiinta dalkuba.
Xuseen Deyr waxa uu xusay in falcelinta suubban ee laga bixiyay khudbadii madaxweynuhu ay ka turjumayso kalsoonida iyo taageerada midaysan ee qarannimo oo loo hayo ajandeyaasha xukuumadda Somaliland.
Afhayeenka madaxweynuhu wuxuu iftiimiyay in taageerada shacbiga ee khudbadii madaxweynuhu ay caddaynayso aaminsanaanta shacbiga ee tubta ay xukuumaddu u marayso nabad waarta, u heellanaanta dimuqraaddiyadeed, iyo aqoonsi caalami ah oo ay mustaqbalka hanato Jamhuuriyadda Somaliland.