Siddeed nooc oo rag ah Waxey ku noolaan doona saboolnimo, waxayna ku dhiman doonaan iyagoo faqiir ah:

Wednesday June 18, 2025 - 21:26:33
hadhwanaagnews
3️⃣ Ninka xaaskiisa ka jeesta, oo dumarka xiriirka la leh.


1️⃣ Ninka guursada haweeney maalkiisa ku ciyaarta oo aan ilaalinayn hantida ninkeeda
Haweeneyda aan ka xumaanayn kharashka iyo dayacaada dhaqaalaha ninkeeda waxay sababi kartaa in ninku sabool ku noqdo.

Walaashey ma ogtahay in ninkaagu uusan lacagta ka helin jidadka? Lacagtaas waxaa ugu baxay caafimaadkiisa, xooggiisa iyo waqtigiisa si uu u helo mustaqbal wanaagsan adiga iyo carruurtiina. Haddaba noqo mid wax-garata, haku xad gudbin, u muuji mahadcelin.

2️⃣ Ninka balwadda leh (sigaarka, daroogada, khamriga)

Ragga balwadda leh waxay lacagtooda ku gubaan maalin kasta iyagao ka nixin Ugu dambeyn, waxa u haro waxay ku bixiyaan daawo iyo daryeel caafimaad. Xaaska iyo carruurta ninkaas waa kuwa ugu badan ee silca.

3️⃣ Ninka xaaskiisa ka jeesta, oo dumarka xiriirka la leh.

Ninka noloshiisa u hurey kaliya raaxada iyo galmada, wuxuu lacagtiisa ku kharash gareeyaa dumarka raqiiska ah. Waa mid si fudud loo khiyaaneeyo. Xaaskiisa dhabtaa ayaa la nool xanuun, ciil iyo niyad jab joogto ah.

4️⃣ Ninka dulmiya xaaskiisa, oo garaaca, aflagaadeeya

Habaarka xaaska dulman waxay noqon kartaa sababta uu ninku u khasaaro noloshiisa. Xitaa haddii aysan habaarin ciddii dulmisa xaaskiisa hortiisa ayuu ka helaa.

5️⃣ Ninka ribada ku shaqeeya.

Ninka ka ganacsada ribada, xitaa haddii uu u adeegsado cudur-daar diimeed, wuxuu galayaa waddo saboolnimo iyo cadaab. Maanta kuwa noocan ah waxay ku faafeen suuqyada Muslimiinta.

6️⃣ Ninka la saaxiiba kuwa taajiriinta ah

Saaxiibtinimada dadka taajiriinta ah waxay kaa dhigaysaa inaad la tartanto – waxaad rabtaa inaad u labisato sida ay u labistaan, u noolaato sida ay u noolyihiin – taasoo aan ku habboonayn ninka aan lahayn dakhli badan. Wuxuu ku khasaarayaa tartan aan loo baahnayn.

7️⃣ Ninka Jecel kafateeriyada, meelaha madadaalada iyo safarada raaxada

Noloshiisu waxay noqotaa mid ku dhisan is-dheelitir la’aan, raaxo kaliya oo aan maal gelin mustaqbalka, wuxuuna ku dhammaanayaa saboolnimo.

8️⃣ tan ugu muhiimsan: Ninka waalidkiis caasiya (aan u adeegayn, xushmayn)

Ninkan u ma jiro nasiib adduun iyo aakhiro midna. Ma helayo barako, toosnaan, guul iyo farxad toona.
En Cali
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...