Itoobiya oo mar kale xaqiijisay go'aankeeda ah in ay si buuxda u hirgeliso heshiiska Ankara kadib wada hadallo ay la yeesheen wafti ka socday Soomaaliya

Tuesday December 24, 2024 - 14:12:20
hadhwanaagtv
heshiiska si waxtar leh. Danjire Mesganu ayaa ku adkeystay sida ...
May be an image of 2 people and text


Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Danjire Mesganu Arga, ayaa xaqiijiyay sida dalkiisa uga go'an tahay in uu "si buuxda u hirgeliyo" Heshiiska Ankara, kaddib wada hadallo heer sare ah oo uu la yeeshay wafti ka socday Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Cali Cumar, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya.

Waftiga Soomaaliya, oo yimid magaalada Addis Ababa bisha December 23, 2024, ayaa ka qeyb galay wada hadallo diiradda lagu saarayay "xoojinta xiriirka labada dal” iyo in la dejiyo istiraatiijiyado lagu hirgelinayo heshiiska si waxtar leh. Danjire Mesganu ayaa ku adkeystay sida Itoobiya uga go’an tahay in la xaqiijiyo "nabadda Soomaaliya inay tahay nabadda Itoobiya," halka Cali Cumar uu ku tilmaamay wada hadallada inay ahaayeen kuwo "miro-dhal ah,” isagoo mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay xoojiso iskaashiga hoos yimaada Heshiiska Ankara.
Xigasho: Addis Standard
     
Loading...