Horta dagaalkan ka socda Yurub ma dagaal u dhaxeeya Dalka Yukrayn iyo dalka Ruushka, mise waa dagaal ay si dadban Xulafada NATO (Proxy War) iyo Ukraine (Yukrayn) kula jirto dalka Ruushka?
Heshiiskii doraad ka dhacay magaalada Jeddeh ee dalka Sacuudiga, kaas oo dhexmaray dalalka Ukraine (Yukrayn) iyo Maraykana, kaas oo ku baaqayay 30 maalmood oo xabad joojin ah, ma yahay heshiis ka iinsamaya dalka Ruushka. Maanta ayaa wafti ka socda Maraykanka iyo madaxda Ruusku shir uga bilaanmi doonaa magaalada Moscow ee Russia.
Intaanan ka faaloon heshiiska bal aan dib u eegno taariikhda muranka iyo dagaalka keentay.
Hadaan taariikhda dib idiin xasuusiyo dagaalkii labaad ka dib (after 1945) waxa abuurmay laba quwadood oo kala ah xulafada NATO oo Maraykanku hogaaminayo iyo Xulafada WARSO oo Midawga Soofiyeeti (USSR) hogaaminaya. Hadaba 1991 kii ayay NATO ku guulaysatay qodobadan.
1. Inay siyaasad iyo dhaqaale ku burburiso xulafadii WARSO.
2. Midayso dalka Jarmalka oo bari iyo Galbeed u qaybsanaa.
3. Dalweynihii Midawga Soofiyeeti (USSR), kala dirto oo maanta yihiin 16 dawladood u qaybsan.
1991 kii ka hor aduunku wuxuu ahaa laba quwadood Bipolar (two superpowers) USSR iyo USA, laakiin burburkii ku yimi USSR ka dib aduunku wuxuu noqday Unipolar (one Superpower), oo ah USA (Maraykanka)
Dawlada Maraykanku waxay dawladii Ruushka ugu balanqaaday in Xulafada NATO aanay dhinaca Bariga Yurub ku fidinayn, dalalka bariga iyo badhtamaha Yurub oo hore uga mid ahaan Quwadii WARSO.
Mudo kooban ka bacdi ayaa Maraykanu ka baxay balantaas:
1. 1999 kii ayaa dalalka Hungary, Poland iyo Czechoslovakia (oo maanta ah laba dal Czechia iyo Slovakia). ka mid noqdeen NATO.
2. 2004 kii ayaa dalalka Bulgaria, Estonia, Latvia, Lithuania, Romania, Slovakia, and Slovenia ay ku biireen NATO.
3. 2009 Ayaa Albania iyo Croatia Ka mid noqdeen NATO.
4. 2017 ayaa Montenegro ku biirtey NATO.
5. 2020 ayaa North Macedonia NATO ku biirtey.
Dhamaan dalalkaa aan soo sheegay waxay ka mid ahaan jireen xulafadii WARSO, amaba qaarkood waxaabay ka mid ahaan jireen dawladii xooga lahayd ee Midawga Soofiyertiga (USSR), hadaba dalka Ruushku wuu arkayay balanfurkaa iyo daandaasiga MARAYKANKU wado, waanay u muuqatay in cida lagu soo socdaa tahay in dalka Ruushka mar kale loo sii kala qaybiyo dalal yar yar oon awood lahayn. Laakiin dalka Ruushku oo uu hogaaminayo PUTIN wuxuu ku dhaqaaqay inuu dhaqaalaha iyo ciidankiisaba dib u dhiso.
2008 dii shirkii NATO ee ka dhacay magaalada Bucharest ee dalka Romania, ayaa NATO kaga dhawaaqday ee dalalka Ukraine (Yukrain) iyo Georgia ku soo biiri doonaan NATO.
Isla markiiba Madaxweynaha Ruushka oo ay u muuqatay in dhanac kasta NATO ka soo gashay, lana rabo in bada madaw (Black Sea) laga xidho ayaa cadeeyay inaanu aqbali doonin arintaas ayna khatar ku tahay jiritaanka Ruushka (existential threat). Cidi dheg uma jalaqsiin, laakiin waqtigan Ruushku kii hore ma aha oo ciidankiisa iyo dhaqaalihiisaba dib buu u dhisay, markiiba Georgia ayuu dhirbaaxo ku dhuftay, laba gobol ka mid ahaa qabsaday kuwaasoo ah south Ossetia and Abkhazia, kana dhigay laba dal oo madax banaan, inkastoo aan dal kale u aqoonsan dalal madaxbanaan.
Dhinaca dalka Yukrayn oo barigiisa iyo koonfurtiisaba ku nool yihii dad ku hadla afka Ruushka oo asal ahaan Ruush ihi ku nool yihiin, wuxuu madaxweyne PUTIN isku dayay inuu dhinaca diblomasiyada ku soo jiito, oo aanay ka mid noqon NATO. Maadaama oo dalka Ruushku qani ku yahay shidaal iyo gaas fara badan, wuxuu siin jiray shidaal aad u raqiis ah, si kastaba ha ahaatee dawladihii NATO uu Maraykanku hor boodaayo ayaa dacaayad iyo lacag badan ku daldalay Yukrayn. Ugu dambayntiina February 2014 ayaa madaxweynihii Yukrayn oo la odhan jiray Viktor Yanukovych lagu afgambiyay, ka bacdina cadaadis iyo cabudhin la saaray dadkii asalkoodu Ruushka ahaa ee ku noolaa 5 gobol ee ka mida Yukrayn. Madaxweynaha Ruushku aad buu uga xumaaday daandaasiga ay wadaan Maraykanku iyo reer Yurub, waxanu ku dhaqaaqay talaabadan.
Markiiba wuxuu qabsaday gobolka kuunfurta ee la yidhaa Kereemiya (Cremea), gobolkaas oo ay ku nool yihiin dadka muslinka ah ee loo yaqaan TARTAR iy dad asal ahaa Ruush, gobolkaas oo hore uga tirsanaan jiray Ruush, wuxuu dib ugu daray Ruushka.
Jabhad uu taageerayo Ruushku ayaa ka dilaacday 4 tii gobol ee dadka Ruushka ki hadlaa daganaayeen, kuwaas oo kala ah labada gobol ee loo yaqaan Donbass (Donetsk and Luhansk), Kherson and Zaporizhzhia. Waqtigan ciidamada Yukrayn may lahayn awood weyn milatari oo xoog leh, taasi waxay keentay in jabhadii Ruushka taageerayay si hawl yar dhul badan ku qabsadaan.
Dhirbaaxadii ku dhacday ciidanka Yukrayn ayaa waxay sababtay inay soo dhex galaan Madaxweynaha Faransiiska (François Hollande) iyo Chancellor Garmalka (Angela Merkel), waxana laysugu tagay magaalada Minsk ee dalka Belarus, waxana bilawday heshiisyadii la baxay Minsk I iyo Minsk II, Feb 2014 kii.
Waa waqtigan marka ay dawladaha reer Galbeedku khiyaameeyeen Ruushka. Hadaba Ruushku wuxuu doonaayay, labadan qodob ayaa ugu muhiimsanaa.
1. In gobolada ay ku nool yihiin dadka Ruushka ah ee ka tirsan dalka Yukrayn la siiyo ismaamul gaar ah.
2. In Yukrayn ahaato dhexdhexaad oonay ka mid noqon NATO, gantaalada nukliyerka la keenin Yukrayn. oo daris la ah Ruushka.
Heshiisyadaa dalka Yukrayn way saxeexday manay fulin, waxa ay dawladihii dhexdhexaadinayay ee kala ahaa Faransiiska iyo Jarmalki bilaabeen ila meerayso. Taas oo qorshaha ay kalahaayeen ahayd (to buy time) waqtu lumis, si Maraykanka iyo Xulafadiisu ugu dhisaan dalka Yukrayn ciidamo adag oo hub casri ah ku dagaalami kara. 7 sanadood iyo siyaado ayaa Maraykanka, dawladaha reer Yurub iyo Kanada dhisayeen ciidanka Yukrayn, isla markaana la warwareejinaya Ruushka. ilaa aakhirkii si cad loogu yidhi Yukrayn xaq bay u leedey mustaqbalkeeda waxayna ka mid noqonaysaa NATO, gobolada dadka ku hadla af Ruushkuna aanay helayn ismaamul ismaamul hoose.
Madaxweyne Putin in badan buu ka wareegaalaystay dagaal ka dhaca Yurub, markuu arkay in jiritaankii dalkiisu khatar ku jiro, dhinaato iyo cadaadis badana lagu hayo dadkii asal ahaan Ruushka ahaa, ayuu February 24, 2020 ay ciidamada Ruusku weerareen dalka Yukrayn, kana galeen dhinacyo badan. Weerarkaa oo uu bixiyay special operation. Ulajeedada uu Madaxweynaha Ruushku Mr. PUTIN ka lahaa weerarkan waxay ahayd inuu Madaxweynaha dalka Yukrayn Mr. Zelesky ku soo celiyo miiska wada hadalka. Dagaalka oon laba usbuuc jirin March 10, 2022 ayaa madaxweynaha dalka Turkiga Mr. Erdogan shir dhexdhexaadin ah ugu qabtay magaalada Istanbul, kuna heshiiyeen in dalka Yukrayn aqbasho heshiiskii Minsk (Minsk Agreements).
Isla markiiba Maraykanka ayaa diiday hirgalinta heshiiskaas, waxa toos u hadlay Raiisalwasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Boris Johnson, kuna hanjabay in dalka Yukrayn xaq u leeyahay inuu ku biiro NATO, gacan weyna ka gaysanayaan sidii ay Yukrayn isaga celin lahayd Ruushka. Halkaas oo uu ku burburay heshiiskii, dagaalkiina ka sii socday.
Waqtiga aduunku wuu is badalay oo quwadii aduunka ku amarkutaaglayn jirtey ee Maraykanka (Unipolar) oo qudhi ma jirto. Laga soo bilaabo 2017 kii wixii ka danbeeyay waxa soo baxay China ( Shiinaha) iyo Ruushka oo awood badani u soo noqotay, waxana abuurmay sadex dal oo awood iyo dhaqaalaba leh, xilagan oo noqday Moltipolar. Maraykanka, Shiinaha iyo Ruushka.
Hadaan dib ugu laabto dagaalkan oo ilaa imika socda, waxa ku dhintay dad ku dhaw hal milyan oo reer Yukrayn ah iyo tiro lagu qiyaasay 200 kun oo Ruush ah.
Dawladaha reer NATO waxay isu gaysteen xisaab khalada (cabdoo khalad xisaab), waxay ogaayeen in dhaqaalaha dalka Ruushku ku dhisan yahay inta badan shidal, gaas badan iyo macdano kale, kuwaas oo badankooda ay ka iibsadaan reer Yurub. Waxay is yidhaahdeen hadii cunaqabatayn ka saartaan dhinac kasta ha ugu badnaato dhinaca gaasta Yurub isticmaasho, shidaal, macdano, fertilizer etc oo Yurub ka iinsan jirtay, kana xidhaan bangiyada Yurub, kana xanibaan $350 Billion oo Ruush lahaa oo yaallay Bangiyada Yurub, in sicir barar weyni ka dhici doono dalka Ruushka, lacagta Ruushkuna qiimo beeli doonto, ka dibna ciidanka Ruushku jabi doono. Taas oo shacabka Ruusku ku kaci doonaan Madaxweynaha Mr. Putin iyo dawladiisa. Ugu dambayna dalka Ruushka oo ah dalka aduunka ugu wayn burnuri doono, ayna u kala googi’i doonaan dalal yar yar oo itaal daran. Waxay xulafada NATO saartay dalka Ruushka cunaqabatayn ka badan 18 kun, waxay ka xanibeen lacag uu Ruusku ku lahaa reer Yurub oo dhamayd $350 Billion, waxay ka xanibiin Bangiyadii. Hadaba sidii ay reer NATO wax u rabeen umay dhicin, Wasiirka Arimaha Debada ee Ruush Mr. Sergio lovkrav ayaa yidhi Diplomacy as a Work of Art (Diblomaasiyadda oo ah Shaqo Farshaxan). Yurub gaastii jabnayd bay iska jartay, ilaa noloshoodi cidhiidhi gashay, oo iyagii warshado badani ka xidhmeen, gaastii ay isku diirin jireen xilga qabawga aad u qaali garawday. Waqtigan adag ee dalka Ruushku galay waxa u gurmaday dalalkii kale sida Shiinaha, Indiya, Barazil, South Africa, Turkiga, North Korea iyo dalal u badan aduunka sedexaad. Taas oo keentay in Ruusku ka badbaado jabkii lala rabay.
Dagaalkan afar jirsaday Ruushku wuxuu ku qabsaday 5 Gobol oo ay dagaan dadka ku hadla afka Ruushka, waxaanu ku daray dalka Ruushka iyo gobolka Cremea oo uu hore u qabsaday, wuxuu baabiyay warshadihii, madaaradii, wadadii tareenada, dhismayaashii dawlada, kuwa is gaadhsiinta, etc.
Hadaba dagaalka waxa khasaarihii ugu badnaa soo gaadhay dalka Yukrayn, khasaaraha labaad wuxuu soo gaadhay Yurub oo wayday shidaalkii iyo gaastii jabnayd, dhaqaale badana ku bixisay dagaalka.
Bishii November 2024 doorasho ayaa ka dhacday wadanka Maraykanka, waxana laga adkaaday Madaxweyne Joe Biden xisbigiisii Dimuqraadiga oo dagaalkan bilaabay, waxana ku guulaystay Donald Trump (Xisbiga Jamhuuriga) Madaxweynihii hore ee Maraykanka ee dagaalka bilaabay wuxuu galiyay lacag ka badan $250 Billion, dalalka Yurubna waxay ku bixiyeen lacag ka badan $200 oo Billion. Markuu ku guulaystay Donald Trump wuxuu yidhi dagaalkan waxaan ku jooninayaa maalmo, waxaan filayaa ma jecla inuu qayb ka ahaado kuwa laga guulaystay (the loosing side). Wuxuu isu dhigaya sidii nin dagaalka ka soo horjeeda, wuxuuna bilaabay dhexdhexaadin.
Hadaba maanta Maraxweyne Putin isaga oon ka soo horjeedin xabad joojinta Maraykanku wado, hadana waxa adag siday u suurta galayso. Mana doomayo xabad joojin ku meel gaadh ah, laakiin wixuu diyaar u yahay heshiis kama dambays ah, oo nabad waarta, maadaama ay guushu dhinaciisa tahay qodobada ugu muhiimsan heshiiska uu rabaa waa kuwan:
1. Yukrayn oo NATO ka mid noqon doonin.
2. In 5ta gobol ee uu qabsaday ka mid ahaadaan Ruushka.
3. In Ciidamo NATO lug soo dhigin Yukrayn.
4. In Ciidamada Yukrayn lagu koobo in ka yar 100 kun oo askari.
5. In Madaxweyne Zelenaky oo watigii ka dhacay ka dago kursiga.
6. Ciidamo ka yimaada dalalka NATO aanay ka mid noqon karin coidamada nabad ilaalin ah.
7. Loo sii daayo lacagtii reer Yurub ka xanibteen $350 Billions.
8. Laga qaado cunaqabtaynta NATO saartay.
9. Etc
Shalay March 12, 2025, waxa magaalada Jeddeh ee dalka Sacuudiga ku kulmay wafti uu hogaaminayo Xoghayaha Arimaha Debada ee dalka Maraykanka Mr Mark Rubio iyo wafti ka socda dalka Yukrayn oo uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Andriy Yermak, Wasiirka Arimaha Debada iyo Wasiirka difaaca. Saacado ka dib waxay soo saareen oo wadajir u saxeexeen heshiis xabad joojineed oo ku siman 30 maalmood, heshiiskaas oo ay u gudbiyeen Madaxda Ruush. Sida uu sheegay Mark Rubio kubadii waxay agtaallaa Madaxweynaha Ruushka iyo Wasiirkiisa Arimaha Debada, wixuu intaa ku daray in Mareykanku dib u bilaabay kaalmadii militari iyo la wadaaga sirdoonka Yukrayn iyadoo la raacayo heshiis xabad joojin ah oo sugaya ogolaanshaha Madaxweyne Putin. Hadalkaas oo ay aad ugu celceliyeen dhamaan madaxda reer Galbeedku iyagoo shacabka reer Yurub u soo bandhigaya inay diyaar u yihiin inay soo afjaraan dagaalkan. Maanta ayaa wafti uu hogaaminayo Steve Witkoff oo ah ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka Mr Trump u ambabaxay dalka Ruushka, si madaxda Ruushka ugala hadlo heshiiskaa xabadjoojinta 30 maalmood ku salaysan.
Hadaan u soo noqdo dulucda faalada maqaalkaygan oo ah, mar kale xulufada NATO ma khiyaameyn karaan madaxda Ruushka ee Kremlin Moscow?
Fikir ahaan waxay ila tahay in madaxda Ruushku gaar ahaan Madaxweyne Vladimir Putin aanu marna aaminin siyaasiyiinta Maraykanka, anigoo sababahan hoos ku qoran cuskanaya.
1. Dawladihii ka dambeeyay dagaalkan ee hub, dhaqaale iyo sirdoonba waday miyay dhexdhexaad noqon karaan.
2. Dagaalkan ma Yukrayn iyo Ruush baa ku dagaalamaya, mise Yukrayn iyo NATO oo wada jira ayaa raba inay burnuriyaan dalweynaha Ruushka.
3. Heshiisyadii Minsk (Minsk Agreements), dawladihii dhexdhexaadinayay ee Faransiiska iyo Jarmalku waxay qirteen, inay ila meerayso kula jireen dalka Ruushka, isla markaana si ay waqti u helaan si ay u dhisaan ciidan adag oo ku hubaysan hub casri ah. Dhex ma noqon karaan markaa?
4. Xisbiyada Maraykan ee kala ah Republican (Jamhuuri) iyo Democrats (Dimuqradiga), waxay ku kala duwan yihiin siyaasada Arimaha Gudaha ee Maraykanka. Hadaad eegto siyaasadooda Arimaha Debada waa isku mid, labadooduba waa Warmongers (Dagaal oogayaal). Ha kala jeclaan Joe Biden iyo Donald Trump.
5. February 12, 2025, bil Ka hor Xoghayaha Difaaca ee Dalka Maraykanka Mr Pete Hegseth, isagoo la hadlaya Wasiirada Difaaca ee NATO ee Brussels, Belgium, ayaa sidan u hadlay "Reer Yurub waa inay maamulaan amniga qaaradooda, 2% kuma filna ugu yaraan %5 waa in Yurub dhaqaalahooda galisaa dhinaca difaaca. Maraykanku wuxuu mudnaan siinayaa joojinta dagaalka Shiinaha ee Badweynta Baasifiga (Pacific Ocean)”. Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa todobaadkii hore ballan qaaday inay si aad ah u kordhinayaan kharashaadka militariga kadib markii von der Leyen uu soo bandhigay €800 Billion.
6. Bishan, March 6, 2025 ayaa Dawladda Ingiriiska iyo shirkada Anduril ayaa wada galay heshiis Cusub oo loogu samaynayo dalka Yukrayn, daroonada weerarka ee casriga ah (Advanced attack drones), si ay wax uga qabtaan gardarrada Ruushka ee Badda Madow (Black sea). Waa sidaa hadalka u dhigeene.
7. Dawlada Maraykanku waxay sheegtay inay joojisay macaawimadii hubka ee Yukrayn, inkastoo ay maanta dib ugu fasaxday. Hadaba waxa laysla dhexmarayaa in aanay ka joojin, laakiin aanay haynba hub iyo saanad diyaar oo ay ka kala go’day.
8. Xukuumada Trump waxay sheegtay inay ka jartay Yukrayn isgaadhaiinta basaasida ee Starlink, inkastoo ay sheegeen inay maanta u sii daayeen, laakiin Elon Musk wuxuu sheegay inaanu waligii ka damin Terminalka Starlink ee Ukraine.
9. Ugu dambayn waxaan u arkaa in 30 maalmood ee xabad joojinta, dib isugu habaynayaan ciidankooda, warshaduhu u soo saarayaan hubka iyo rasaasta ka dhamaatay, marka 30 cisho dhamaatana waydiisanayaan 30 kale, ilaa ay dib ugu diyaar gararoobayaan. Beenaale lama aamino. Xukuumada Maraykanku waxay kow ka tahay dalalka doonaya inay burburiyaan dalka Ruushka oo saaxiib dhaw la ah dalka Iran, oo cadaw u ah Israel.
10. Ciidamada Ruushku waxay ka sifeeyeen ciidamadii Yukrayn ee soo galay gobolka Kursk ee dalka Ruuska. Waxay gacanta ku hayaan 5 gobol oo hore uga mid ahaa Yukrayn, maantana ka tirsan Ruushka kuwaas oo ay ku nool yihiin dadka asal ka soo jeeda Ruushka. Maanta ciidamada Ruushku tiro iyo tayaba way ka fiican yihiin markuu dagaalku bilaabmay, hub casri ah oo aduunka ka yaabiyay bay soo saareen, warshadahoodu si isdaba jooga ayay u soo saaraan hubka iyo saanadaha dagaalka, dhaqaalaha Ruushku wuu ka fiican yahay markuu dagaalku bilawday 4 sano ka hor, ciidanka Ruushku waayo aragnimo badan bay heleen, ciidanka Ruushku hal milyan oo askari baa diyaar ah, kolba 200 kun ayaa ku jira goobaha hore, halka ciidanka Yukrayn aanay haysan ciidan kale oo nasiya ama badala, waxa ku yar man power.
Sababahaas aan soo sheegay awgeed iyo waliba sababo kale aanan ka war qabin ilama aha in Madaxweyne Ruushka Vladimir Putin mar kale khiyaamayn doonaan xulafada NATO. Sida qudha ee ciidamada Ruushku dagaalka ku joojin doonaa waa heshiis dhamaystiran.
Bal waynu eegi shirka maanta ka dhici doona Moscow Russia.
Maqaalkan faalada ah waxa diyaariyay, qoray oo xuquuqdiisa leh aniga oo ah:
Abdifatah Ali Sheekhaawi
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!