Dawladda Taiwan ayaa dawlada shiinaha ugu baaday in uu joojiyo daandaansiga ka dhanka ah xidhiidhka ay Somaliland iyo Shiinuhu wadaagaan.
Safiirka dawladda Taiwan u jooga Somaliland danjire Allen Lou ayaa xusay inuu sii soconayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan oo wadaaga ahdaaf iyo masaalix middaysan, waxaanu tilmaamay inay aaminsan yihiin xidhiidhka labada dal inay kukasbanayaan taageero caalamiya.
Danjire Allen Lou wuxuu ku booriyay dawladda Shiinaha inay joojiso daandaansiga, isla markaana ay si dhab ah u taageerto nabada iyo xasiloonida geeska Afrika.
Safiirku wuxuu sheegay in aan Shiinuhu weligood u talin Taiwan isla markaana ay ka been sheegayaan waxa ay ugu yeedhaan madaxbannaanida dalkooda, Safiirka ayaa u mahadceliyey Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka G7 oo dhowaan taageeray Taiwan isla markaana ka soo horjeestay isku dayo kasta oo hal dhinac ah oo lagu doonayo in lagu beddelo xaaladda marin biyoodka Taiwan iyadoo la isticimaalayo awood.