Maxaa ka soo kordhay xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Eritrea?

Thursday March 20, 2025 - 08:10:12
hadhwanaagnews
Mr. Saalax waxa uu Addis Ababa ku eedeeyay "in ay marin habaabisay



Eritrea ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay khilaafka ka dhex aloosan kooxaha kala duwan ee hogaamiyayaasha waqooyiga Itoobiya ee Tigray.

 

Xiisadaas ayaa laga cabsi qabaa in ay halis galiso heshiiskii lagus oo afharay dagaalkii gobolka Tigree oo la gaaray 2 sano ka hor.

 

Diblomaasiyiin kooban oo ku sugan magaalada Asmara ayuu Talaadadii, wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea Cismaan Saalax u sheegay in dalkiisu "si cad u diidayo" eedaymo kasta oo sheegaysa in Eritrea ay door ku leedahay xiisadaha ka taagan waqooyiga Itoobiya.

 

Mr. Saalax waxa uu Addis Ababa ku eedeeyay "in ay marin habaabisay oo hammigii ay kal ahayd marin badeed iyo saldhig ciidan" isaga oo tixraacaya hadallo isdaba joog ah oo ka soo baxay mas'uuliyiinta Itoobiya oo ahaa in gelitaanka badda ay tahay "arrin muhiim ah" maadaama uu waddanka uu yahay waddanka ugu dadka badan Afrika ee aan bad lahayn.

 

Todobaadkii hore wasiirka arimaha dibada Ethiopia Gedion Timotowos ayaa u sheegay diblumaasiyiin ku sugan Addis Ababa in dowladiisa ay aaminsan tahay in mid ka mid ah kooxaha Tigray-ga uu xiriir la leeyahay Eritrea isagoo aan si gaar ah u cadeyn.

 

Gobolka Tigray waxaa uu xudunta dagaal sokeeye oo xooganaa oo lagu qiyaasay in ay ku naf waayeen nus milyan qof.

 

Heshiis nabadeed ayaa dabayaaqadii 2022 ay kala saxiixdeen dagaalyahanada Tigreega iyo dowladda Itoobiya ka dib waxaa la sameeyay maamul ku meel gaar ah oo maamula gobolka ilaa doorasho laga qabanayo.

 

Dhawaan madaxda sare ee maamulka ku meel gaarka ah waxay isku dhaceen koox mucaarad ah oo ka tirsan xisbiga Tigray People's Liberation Front (TPLF), oo ah xisbiga ugu weyn gobolka.

 

Kooxda fallaagada ah oo ay weheliyaan rag hubaysan- ayaa gacanta ku dhigay xafiiska duqa magaalada Makella ee toddobaadkii hore.

 

Is jiid jiidka ayaa sababay cabsi laga qabo in heshiiska nabada la xagal-daaciyo. Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo in isku dhacyo cusub uu ka dhex qarxo Itoobiya iyo Eritereeya .

 

Ereteriya oo ah dal Talyaanigu uu soo gumeystay waxaa xoog ku soo galay Itoobiya sanadkii 1962-dii. 30 sano uu dagaal socday, waxay falaagadii Ereteriya ee uu hoggaaminayay Isaias Afwerki xornimo heleen 1993-dii.

 

Xiriirka labada dal markii hore wuxuu ahaa mid saaxiibtinimo maadama xukunka laga tuuray taliskii militeriga, dalkana ay qabsadeen falaago Tigrey ah.

 

Labada dal ayaa ku dagaallamay cidda iska leh magaalada Badme sanadkii 1998-dii. Dagaalkii ka dhashay lahaanshaha magaalada wuxuu socday labo sano.

 

Sanadkii 2018-kii ayey si rasmi ah heshiis u galeen labada dal markii labada madaxweyne isku raaceen in ay soo celiyaan xiriirkii diblomaasi iyo kii dhaqaale.

 

Heshiiska wuxuu keenay in ay dib u midoobaan qoysaska dagaalka uu kala qeybiyay mudada 20-ka sano iyo in ay bilowdaan duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara.

 

Waxaa sidoo kale la sameeyay ballanqaadyo in laga shaqeynayo dhismaha dakadaha Ereteriya.

 

Xiriirka labada dal wuxuu mar kale xumaaday dhammaadkii dagaalka gobolka Tigray markaas oo Itoobiya ay heshiis kula gashay Pretoria TPLF kaas oo lagu dhameynayay dagaalka gobolka Tigray.

 

Dadka ka faalooda waxay sheegayaan in Ereteriya ay ka carrootay in heshiiska laga saaray kaas oo TPLF ogolaatay.

 

Qaar ka mid ah askarta Ereteriya ayaa sii joogay dhulka Itoobiya inkastoo heshiisku dhigayay in ay ka baxaan gobolka dhammaan ciidamada shisheeye.

BBC/SOMALI
     
Loading...