ITOOBIYA: "Marin-Badeed helidu waa kagudbay aqoonsi hada waa hirgalin"

Thursday January 01, 2026 - 09:48:12
HADHWANAAGNEWS
Gedion ayaa ku tilmaamay dadaalka Itoobiya ee marin-badeedka


Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Gedion Timotheos ayaa sheegay in Itoobiya ay u gudubtay marxalad cusub oo ku saabsan helitaanka marin-badeed, isla markaana mowqifkeeda hadda uu noqday mid si diblomaasiyadeed loo aqbalay, halka dadaallada socda ay diiradda saarayaan sida loo hirgelin doono.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay kulanka 6-aad ee Golaha Wakiillada ee dhacay 30-kii Diseembar 2025, halkaas oo uu su’aalo kaga jawaabayay mudaneyaasha ku saabsan hamiga Itoobiya ee marin-badeedka iyo dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee la xiriira.

Gedion ayaa ku tilmaamay dadaalka Itoobiya ee marin-badeedka "arrin Qaran oo taariikhi ah oo ka sarreysa dowlad kasta ama xisbi kasta,” isaga oo xusay in ay weli tahay mudnaan qaran oo wadaag ah.

Wuxuu sheegay in Itoobiyaanku gudaha iyo dibeddaba iyo sidoo kale safaaradaha Itoobiya ay si firfircoon uga shaqeynayaan dadaalladan, islamarkaana diblomaasiyaddiisa hadda ay muujinayaan calaamado dhiirrigelin leh.
     
Loading...