Itoobiya iyo Somaliland oo kawada hadlay Ganacsiga isu-socodka Ganacsiga labada Dal

Wednesday March 19, 2025 - 12:02:42
hadhwanaagnews
Wasiirka oo ku dheeraaday ahmiyadda ay u leedahay booqashadaasi ...



Wasiirka xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya mudane Cabdixakiin Sheekh Xasan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi uu hoggaamineyo wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur.

 

Wefdiga ayaa ugu horayn booqday xafiiska wasiirka halkaas oo ay ku qaateen kulan ballaadhan oo lagaga wadahadlay iskaashiga ganacsi ee qotoda-dheer ee ka dhaxeeya labada dhinac.

 

Wasiirka oo ku dheeraaday ahmiyadda ay u leedahay booqashadaasi ka deegaan ahaan ayaa tibaaxay in labada dhinac ka wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa furfurnaan ganacsi iyo isdhexgalka bulshada laba dhinac si meesha looga saaro caqabadaha ka jira ganacsiga labada dhinac.

 

Intaa kadib wefdiga ayaa booqday waaxyaha kala duwan ee xafiiska iyaga oo u kuurgalay qaabka adeeg bixinta Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS si loo kala qaato wixii khibrad ah.

 

Gaba-gabadii waxaywefdigu boggaadiyeen qaabka adeeg bixinta gaar ahaan isticmaalka aaladaha casriga ah iyo sida uu adeegu u dhaadhacsan yahay.

     
Loading...