Xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI oo dhawan ku guulaystay doorashadii dalka ka dhacday 13-kii November ayaa markii ugu horreysay ka hadlay heshiiskii ay todobaadkan magaalada Ankaraee dalka Turkiga ku wada-gaadheen dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xisbiga talada dalka haya ee Waddani, ayaa sidoo kale ka hadlay waxyaabaha mudnaanta u ah ee ay qabanayaan 100-ka maalmood ee ugu horreya muddo xilkeedkooda iyo sida ay u kala horeysiinayaan qorshahooda waxqabad.
Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faraax Cabdi, oo BBC-da u warramayay ayaa sheegay in waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan ay ka mid tahay nabadeynta Gobollada bariga Somaliland, arrimaha Caafimaadka iyo dhismaha Waddooyinka dalka.
Geesta kale waxa uu ka hadlay aragtida Xisbigooda ee ku aadan Kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya.
"Heshiiska ka dhacay Ankara waxba nagama khuseeyaan, waa labo dal, anagnuna waxaanu nahay Somaliland, haddii ay heshiinayaan waa labo dal oo jaar ah haddii ay heshiiyaan oo ay sheekeystaan waa wax iska caadi waxba nagama khuseeyaan”, ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani Maxamed Faraax Cabdi.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay moqifka ay xukuumaddu ka leedahay heshiiskii is-faham ee ay hore u wada galeen Somaliland iyo Itoobiya. Waxaanu yidhi "MOU-ga Itoobiya anagu maanaan arag oo xukuumaddu hadda ayey talada la wareegtay, waanu arki doonnaa, marka la arko ee la derso haddii ay danta Somaliland ku jirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aanay danta Somaliland ku jirinna laga shaqeyn mayo, marka waxaynu sugi doonnaa in aynu aragno kaddib ayaan go’aan laga gaadhi doonaa”.