Gaashaanle Dhexe Tsadkan Gebretensae ayaa sheegay in Itoobiya iyo Aratariya
Gaashaanle Dhexe Tsadkan Gebretensae, Abbaanduulihii Hore ee Ciidamada Itoobiya: Dagaalka Itoobiya iyo Aratariya waa mid dhici kara wakhti walba
Gaashaanle Dhexe Tsadkan Gebretensae ayaa sheegay in Itoobiya iyo Aratariya ku jiraan xaalad dagaal, ayna suurtagal tahay inuu dagaal ka dhex qarxo wakhti kasta. "Dagaalka Itoobiya iyo Aratariya waa mid soo socda, wuxuuna bilaaban karaa daqiiqad kasta," sidaas waxaa yidhi Gaashaanle Dhexe Tsadkan Gebretensae oo kamid ahaa madaxdii TPLF ee Itoobiya mar hogaaminayey dagaalkii 1998-2000 dhexmaray Itoobiya iyo Aratariya, gaar ahaan dagaalkii Baadhme (Badme). GDh Tsadkan Gebretensae wuxuu ahaan jiray Abbaanduulaha Ciidanka Itoobiya (1991-2001), waxaa kale oo uu ahaa ninkii ku duulay Soomaaliya (Gedo 1996) iyo Sudan (Kurmuk, Qaysan iyo magaalooyin kale 1996). Haatan waa hoggaanka Xoogagga Tigreega ee loo yaqaan Tigray Defence Forces, sannadkii 2020 illaa iyo maantadan. Hadalka Gaashaanle Dhexe Tsadkan Gebretensae ma aha mid uu iska yidhi mana aha mid la dhayalsan karo, wuxuuna walwal iyo walaac ku dhaliyay Bulshada Caalamka.
ABAABULKA DAGAAL EE ITOOBIYA
Xogaha ay heleyso Daljir Media ayaa ah kuwo xoojinaya hadalka Gaashaanle Dhexe Tsadkan Gebretensae, waxaana dhinaca Itoobiya ka socda xaalad diyaargarow colaadeed oo hadda heer gabagabo ah maraya.
Itoobiya tallaabooyinka ay qaaday illaa iyo hadda waxaa kamid ah:
1. Ciidamo gaadhaya illaa 3,000 oo tababar uga socday xerada ciidanka ee Hawaash (Awash Arba) waxaa loo qaaday dhinaca Canfarta iyo xudduudka Eritrea. Ciidamo aan tiradooda la cayiminna ayaa ayana ka baxsaday Xerada Hawaash markay maqleen in loo wado dhinaca xuduudka Aratariya
2. Deegaanka Canfarta waxaa laga soo warinayaa in lagu arkay gawaari ay saaranyihiin taangiyo illaa 30 ah oo ku siijeeda Bure oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Aratariya, kuna toosan magaalada Casab
3. Kuxigeenka Sirdoonka Ciidanka Itoobiya (Military Intelligence), General Jamaal shir uu magaalada Samara ee caasimadda Deegaanka Canfarta kula yeeshay taliyayaasha guutooyinka wuxuu yidhi, "Aratariya waxay naga haysataa dhul, waxana la joogaa wakhtigii aan xoog uga saari laheyn"
4. Madaxweynaha Deegaanka Canfarta Awal Arba shir uu la yeeshey dhallinyarada Canfarta wuxu ugu baaqay in ay ka qaybqaatan xoraynta soo fooleh ee Casab oo uu ku tilaamay dhul Canfartu leedahay
Wararka aannu ka helayno dhanka Aratariya waxay sheegayaan inuu jiro diyaargarow iyo heeggan ciidan iyo abaabul ballaadhan oo sanooyinkii dambaba ka jiray. Dhinaca Galbeedka Tigray ee Magaalada Xumeera (Humera) waxaa jira dhaqdhaqaaq ciidan, waana halka ay Aratariyaanku xoogga ku haystaan ayagoo kaashanaya Xoogaga FANO ee Axmaarada.
Waxaa kale oo la sheegayaa inay diyaaradaha darooneska ee Itoobiya ay dul heebaabayaan xadka Tigreega iyo Aratariya, gaar ahaan aagga Zalambesa.
Canfarta ayaa ku kala jaban dagaalka Abiye Axmed uu rabo in uu ku qaado Aratariya oo qaar ka soojeeda Aratariya iyo Jabuuti way soodhowaynayaan dagaal lagu qaado Aratariya, halka kuwa Deegaanka Canfarta Itoobiya ay shuruudo ku xidheen ka qaybgalkooda dagaalka.
Qaar kamid aha odayaasha iyo waxgaradka Canfartu waxay u sheegeen Madaxweynaha Deegaanka Canfarta Awal Arba iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya inaysan dagaalka ka qaybgalaynin haddii lagu qasbo in magaalooyinka Galbeedka Sitti ee ay xoogga Soomaalida uga qabsadeen ay ku wareejiyaan Dawladda Deegaanka Soomaalida, waana sababta wafdi heer fadaraal ah loogu direy Jigjiga iyo Deegaanka Soomaalida.
Haddii Madaxweyne Cagjar uu oggolaado in Galbeedka Sitti sharciyan loogu wareejiyo Canfarta, waxaa la filan karaa kacdoon shacab oo ka dhan ah maamulka Jigjiga iyo dagaal horleh oo shacabka Sitti ay u tabaabusheystaan. Haddii Galbeedka Sitti lagu wareejiyo Cafarta, Madaxweyne Cagjar waxa uu noqonayaa madaxweynihii saddexaad ee Dawladda Deegaanka ee oggolaada in deegaan Soomaaliyeed lagu wareejiyo Canfar iyo Oromo.
SAADAASHA WEERARKA ITOOBIYA
Lama saadaalin karo waqtiga dagaalku dhacayo, waxaa se jira oo la xaqiijinayaa saansaan dagaal iyo inay Itoobiya tahay tan dagaalka bilaabaysa. Haddii RW Abiye Axmed uu rabo inuu Aratariya ka weeraro dhinaca Buure ee Deegaanka Canfarta sida ay sheegayaan saraakiil aqoon u leh aaggaas, waa in uu weerarka qaado inta ka horraysa bartamaha bisha Abriil iyo kahor wakhtiga kulaylaha.
BEENGUURKA ABIYE AXMED
Armuu Abiye Saylac u Socdaa oo Aratariyo ku beenguurayaa, waa su'aal kale oo siyaasiyiin xogogaal ahi ay isweydiinayaan.
In kasta oo aan loo hayn wax daliil ah, haddana waxaa jira warar kale oo sheegaya Abiye kama suurtowdo in Aratariya weeraro oo ma hayo tabar iyo taag toona, laakiin meesha uu u socdaa waa Saylac iyo Soomaaliya.