Qodobbo ay ka wada Hadleen Komishanka Doorashoyinka iyo Gudidda Dibu Hanaynta Ciidamada Qaranka.

Wednesday March 05, 2025 - 06:06:21
hadhwanaagnews
Guddidu waxay sharaxaad ka bixisay diyaar-garowgooda



Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa xafiiskooda ku qaabilay Guddida Diiwaangelinta, Dib-u-habaynta Ciidamada Qaranka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, isla markaana uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha iy amniga, Cabdalle Maxamed Carab, lana socdeen Wasiirka Madaxtooyada, Khadar Xuseen iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda, Ambassador Maxamed Xaaji.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha diiwaangelinta ciidamada, qodobada lagawada hadlay ayaa waxa ay u dhignaayeen sidan:

 

Guddidu waxay sharaxaad ka bixisay diyaar-garowgooda, iyagoo sheegay in la dhammeystiray qorshe-hawleedka, ayna diyaariyeen software-kii iyo server-yadii nidaamka diiwaangelinta.

 

Taageero Qalab Diiwaangelinneed (IRIS Biometric):

 

Madaxweynaha JSL ayaa hore uga codsaday KDQ in ay Guddida ku wareejiyaan 50 (Kit) oo qalabka diiwaangelinta IRIS Biometric ah, kuwaas oo dhammeystiran, si loogu adeegsado hawshan muhiimka ah. Qodobkan ayaa isaga na ay labada dhinac ku lafagureen kulankooda.

 

Taageero Farsamo iyo Shaqaalaha:

 

Guddida ayaa KDQ ka codsaday in ay soo xulaan 50 ka mid ah tababarayaashii heerka sare ee (TOTs) ee khibrad u leh nidaamka IRIS Biometric, si ay u noqdaan hawl-wadeennada (Operators) ka shaqeyn doona diiwaangelinta ciidamada.

 

Talooyin Farsamo:

 

KDQ waxay Guddida la wadaagtay talooyin muhiim ah oo la xidhiidha hannaanka diiwaangelinta, caqabadaha suurtagalka ah, iyo xaqiijinta in nidaamku si hufan u fulo, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradda KDQ ee hirgelinta nidaamka IRIS Biometric.

 

Heshiis Farsamo:

 

Labada dhinac waxay isla qaateen in la diyaariyo Heshiiska Farsamo (Handover Agreement), kaas oo si rasmi ah loogu faahfaahiyey dhammaan macluumaadka qalabka ay KDQ ku wareejinayaan Guddida Diiwaangalinta & Dib-u-habbaynta Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

     
Loading...