Hoggaankii iyo Dibu-dhiskii Somaliland (1993–2002)

Saturday May 03, 2025 - 20:59:54
hadhwanaagnews
Dhismaha dowladnimo iyo nidaamka baarlamaanka:

Cigaal wuxuu noqday madaxweynaha labaad ee Somaliland laga bilaabo 1993 ilaa 2002,Inta uu xilka hayay, wuxuu sameeyay waxyaabo muhiim u ahaa aasaaska Somaliland:
1. Xasilinta amniga iyo siyaasadda gudaha:
⚪️Markii uu xilka qabtay, Somaliland waxay ka soo kabanaysay dagaallo sokeeye iyo burbur guud. Cigaal wuxuu la yimid dadaallo lagu dhisayo hay’adaha dowladeed iyo nidaam sharci ah oo suurtagelinaya xasillooni siyaasadeed.
2. Dhismaha dowladnimo iyo nidaamka baarlamaanka:
⚪️Wuxuu hormuud u ahaa dhismaha nidaamka dowladnimo ee hadda Somaliland leedahay — oo ay ku jirto nidaamka madaxweyne-nimo iyo baarlamaan leh labada gole (wakiillo iyo guurtida).
⚪️Waxuu ahaa aasaasaha xisbigii UDUB, kaas oo ujeedadiisu ahayd in laga guuro nidaamkii beelaha , loona guuro nidaam siyaasdeedka casriga ah .
3. Dib u habaynta dhaqaalaha:
⚪️Wuxuu bilaabay qorshayaal lagu dhisayo dhaqaalaha gudaha sida canshuur ururinta, taageerida ganacsiga, iyo la shaqeynta ganacsatada maxalliga ah.
⚪️Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal [AHUN] waxuu si rasmi ah u sameeyay lacagta Somaliland [SSHL] kaas oo ujeedadeedu ahayd :,
⚪️in la helo lacag rasmi ah oo waddanku leeyahay.
⚪️In lagu xoojiyo madax-bannaanida dhaqaalaha ee Somaliland.
⚪️In la suurtageliyo xasillooni dhaqaale iyo nidaam lacag oo dalka u gaar ah.

4. Dadaalka Madax-bannaanida Somaliland
Cigaal wuxuu aad uga shaqeeyay in Somaliland ay noqoto dal madax-bannaan, inkasta oo aan si caalami ah loo aqoonsan. Wuxuu waday dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu caddeynayo in Somaliland si sharci ah uga go’day Soomaaliya, iyadoo lagu saleynayo heshiisyadii burburay (sida midkii 1960-kii ee ay la gashay Soomaaliya).

5. Heshiisiinta Beelaha
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee uu qabtay waxaa kamid ahaa heshiisiinta beelaha Somaliland kadib dagaalladii sokeeye.
⚪️Shirkii Boorama
1993 wuxuu ahaa mid taariikhi ah, wuxuuna horseeday in Cigaal loo doorto madaxweyne, si uu u mideeyo beelahii kala daadsanaa.
⚪️Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxuu door weyn ka qaatay dhismaha nidaamka beelaha ee Somaliland, isagoo adeegsanaya hab dhaqameedyo iyo wada-xaajood beeleed si loo helo dowladnimo iyo xasillooni.
⚪️Waxa uu Dib u habeyn ku sameeyay ciidamada:
Wuxuu maleeshiyaadkii beelaha ku daray ciidanka qaranka, isagoo sidoo kale hub ka dhigis ku sameeyay kuwa kale.
 
6. habayntii nidaamkii dawlanimo
⚪️ Wuxuu aas-aasay wasaarado, maxkamado, iyo xarumo dawladeed oo loogu adeegayo bulshada

Gunaanadkii:
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waa aabihii dowladnimada casriga ah ee somaliland isagoo gundhig u ahaa xasilloonida iyo nidaamka dowladeed ee ay ku faanto manta Somaliland .
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal [AUN] Waxa uu ku aasan yahay Magalada Berbera, gaara ahaan xaafada Shacabka .
Maxamed X.Ibraahim Cigaal [Ahun] waxay reer berbera u dhiseen taalo wayn oo ku dhex taala magaalada berbera, waxaana la yidhaahdaa [zero ga kitaabka] ,sababta ugu wayn ee loo dhisayna waxay ahayd in qof walba magalada berbera soo gala uu faataxada u maro Madaxwaynaheeni hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal [AUN]

Dhamaad
Qalinkii: Asma M Shanle
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...