Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah u qabtay kulankii ugu horreeyey ee isbarasho iyo is-xogwaraysi ah oo ay la yeesheen Guddida hawlgalinta xisbiyada Qaranka (Taskforce) ee dhawaan ay soo magacaabeen saddexda Xisbi Qaran ee Kaah, Kulmiye, iyo Waddani.
Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd isbarashada xubnaha cusub ee guddida hawlgalinta iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac iyo sidii horumarin ballaadhan loogu sameeyo hawlaha diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashooyinka soo socda.
Intii uu kulanku socday, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu warbixin dhamaystiran ka bixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee u qabsoomay muddadii shanta bilood ee la soo dhaafay, kuwaas oo bud-dhig u ah tayeynta nidaamka doorashooyinka iyo kor-u-qaadista awoodda hawl-fulineed ee hay’adda. Shaqooyinkaasi waxaa ka mid ahaa:
Shirka dib-u-eegista casharradii laga bartay doorashadii madaxtooyada iyo xisbiyada Qaranka JSL.
Safar shaqo oo Koomishanka Doorashooyinka Qaranku uu ku tagay dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo la yeesheen qaadhaan-bixiyeyaasha iyo safiirrada taageera arrimaha doorashooyinka Somaliland si looga wada xaajoodo hawaha doorashooyinka.
Diyaarinta qorshaha Istiraatijiyadeed ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee shanta sano ee soo socota, iyo dhammaystirka siyaasadaha iyo Habraacyada Xafiiska Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
Hanti-dhawr lagu sameeyey nidaamka diiwaangalinta doorashooyinka, iyadoo la adeegsanayo shirkadda caalamiga ah ee KPMG, oo kamid ah shanta shirkadood ee adduunka ugu sarreeya dhanka hantidhowrka. Warbixinta KPMG ayaa si qoto dheer u qiimeysay nidaamka Diiwaangalinta, taas oo wax weyn ka tari doonta horumarinta iyo hufnaanta diiwaanka doorashooyinka.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa xusay in kulankan uu yahay bilowga wada-shaqeyn dhow oo labada dhinac ee arrimaha nidaamka diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo hufan.