"Kiiskaasi baadhidisa waxa gacanta ku haya ..."
Hargeysa (HWN) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xaqiijiyay in Labba Caruur ah oo walaalo ah Laydh (Koronto) uu ku dhagay maanta islamarkaana mid ahaan uu dhintay.
Ciidanka Booliska ayaa sidaasi ku sheegay warkan hoose oo ay baahiyeen.
"Ciidamada Booliska JSL garahaan Saldhiga degmada Gacan-libaax ayaa ka hawlgalay Laba Carruura oo walaalo ah Laydh ku dhegay Xaafadda Beeraha degmada Gacan Libaax, waxaana goobta ku geeriyooday Marxuum Muscab Cabdifataax Rashiid oo 7-jir ah, waxaana dhawaac ah Ummulkhayr Cabdifataax Rashiid oo 13-jir ah waxaana loo gudbiyay Cisbitaalka weyn Magaalada Hargaysa.
Kiiskaasi baadhidisa waxa gacanta ku haya Hogaanka Baadhista dambiyada (C.I.D)
Taliska Ciidamada Booliska JSL waxa uu shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland farayaa in ay ka fogaadaan Biraha laydhka iyo guud ahaan meelaha Biyo-mareenada ah."