Fadhigii 15-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Somaliland oo uu Shir-Gudoominayey Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo waqtigan xaadirka ah mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada waxa ka mid ahaa:
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mr. Ismaaciil Mowliid ayaa Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha qaabka ay Wasaaraddu u dar-dar gelinayso sal-ballaadhinta (Tax base) Cashuuraha kala duwan ee Gudaha (Inland Revenue) iyada oo ay Wasaaraddu adeegsanayso nidaamyada Tiknoolojiyadeed.
Sidoo kale, Wasiiru-Dawluhu waxa uu sheegay in ay si habsami leh u socdaan dhaqan-gelinta Cashuurta Adeegyada iyo Badeecadaha (GST), iyadoo si gaar ah awooda loo saarayo Shirkadaha Adeega Korontada iyo kuwa Isgadhsiinta.
Wasiiru Dawluha Maaliyaddu waxa uu Golaha ku wargeliyey kuna baraarujiyey in Wasaaradaha uu ku qoran yahay Odoroska Dakhliga Qaranku in ay dar-dar-geliyaan soo xeraynta Dakhliga ku qoran.