Dadku waa inay soo bxiyaan canshuurta{Maxamed Xasan Saleebaan}

Sunday July 13, 2025 - 11:49:36
hadhwanaagnews
Cashuurtu waa waxa wadankeenu ku socdo, waa waxa...


Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland Maxamed Xasan Saleebaan ayaa bulshada Somaliland fariin u diray, gaar ahaan dadka cashuuruhu ku baaqdeen, waxaanu ugu baaqay inay cashuuraha soo bixiyaan.

Waxa kale oo uu xusay in cashuurtu ay tahay waxa uu wadanka Somaliland ku socdo iyo sidoo kale horumarka iyo dhaqaalaha wadanka.

Waxaanu yidhi "waxa jira dad fara badan oo cashuur bixiyayaal ah oo ay cashuurihii ku baaqdeen, waxan doonaynaa kuwaana inaan ugu baaqno inay cashuurta soo bixiyaan.

Cashuurtu waa waxa wadankeenu ku socdo, waa waxa dhaqaalaheenu ku cocdo, waana horumarka wadankeena, waxanu doonaynaa inay soo bixiyaan cashuuraha kala duwan sida cashuurta Macaashul-macaashka, GST ga, Piroll ka, Liisamada, Ganacsiga iyo Gaadiidka” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda JSL.

Agaasimaha ayaa sidoo kale u mahad celiyey muwaadiniinta cashuur bixiyayaasha ah ee bixiyey nooc kasta oo cashuur ku waajibtay, kuwaasi oo sida agaasimuhu sheegay Lix dii bilood ee la so dhaafay si wanaagsan ula shaqeeyeen wasaaradda.
     
Loading...