Tani waa markii ugu horreysay ee ay si rasmi ah ugu tartamayso xilkan,
Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan, ayaa loo oggolaaday inay u tartanto doorashada madaxtinimo ee bisha Oktoobar.
Tani waa markii ugu horreysay ee ay si rasmi ah ugu tartamayso xilkan, iyadoo xilka la wareegtay kadib geeridii John Magufuli sanadkii 2021.
Musharrixiinta mucaaradka ugu waaweyn ayaa laga reebay tartanka, arrintaas oo dhalisay dhaliilo ku saabsan madax-bannaanida guddida doorashooyinka iyo xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka.