Wasiirka Isgaadhsiinta oo Berbera Kala Tukaday Salaadda Ciidda, Masuuliyiin Badan oo Wehelinayay

Saturday March 21, 2026 - 14:53:04
hadhwanaagnews
Munaasibadda salaadda ciidda waxa sidoo kale ka qayb g

May be an image of one or more people and crowd


Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Jamaal Maxamed Jaamac, ayaa maanta shacabka magaalada Berbera ee gobolka Saaxil kala qaybgalay tukashada Salaadda Ciidul-Fidriga.


 

Wasiirka ayaa bulshada u diray hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasibadda ciidda, isaga oo ku booriyay inay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo nabadgelyada.


 

Munaasibadda salaadda ciidda waxa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, masuuliyiin ka socda hay’adaha madaxa-bannaan ee xukuumadda, iyo masuuliyiinta gobolka oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Maayirka Berbera, iyo saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka.


 

Ka qaybgalka masuuliyiintan ayaa muujinaya isku duubnida iyo wada shaqaynta ka dhex jirta hoggaanka iyo bulshada, gaar ahaan xilliyada farxadda leh ee ciidaha, si loo xoojiyo xasilloonida iyo wada noolaanshaha bulshada Somaliland.

     
Loading...