"Doorashooyinka waa inay wakhtigooda ku Qabsoomaan, maalinna Dib looga dhigin"Kulmiye

Wednesday August 27, 2025 - 15:17:20
hadhwanaagnews
"Doorashooyinku waa inay wakhtigoodii ku dhacaan, maalinna aanay dib u dhicin,".
 
May be an image of 1 person, dais, newsroom and text

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye, Mustafe Cabdi Ciise Shiine, ayaa si adag u sheegay in doorashooyinka dalka aanay dib u dhici karin, isagoo xusay in loo baahan yahay in mar kasta la ilaaliyo jadwalka doorashooyinka si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo nidaamka dimuqraadiyadda.

"Doorashooyinku waa inay wakhtigoodii ku dhacaan, maalinna aanay dib u dhicin,”.

Mustafe Shiine, waxa uu ku baaqay in dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ay ka shaqeeyaan sidii doorashooyinka loogu qaban lahaa xilligooda sharciga ah.
     
Loading...