Heesahan La Garanwaayay,Xidigahiina Lagu Gaaday,Ee Faqashtu Maal Gelesay,Geedigeena Socodkiisu Gaaxbu Ka Sii Qaaday.

Tuesday October 01, 2024 - 08:49:57
hadhwanaagnews
Si Xun Waxu Tilmaamkeenu,Sixirkuu Ka Sii Daranyay,



Bismillahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

 

1-Si Xun Waxu Tilmaamkeenu,Sixirkuu Ka Sii Daranyay,

 

Sahan La’an Waxan Guuray,On Saydhnay Qarakeni.


 

 

2-Markaan Xamar Ku Sooryeynay,Ensiinay Libinteeni,

 

Soo Noqoshadeeniina.Sahal Laguma Soo Celinin.


 

 

3-Saddex Liidleh Calankeenan,Sumadii Quraan Weeyeh,

 

Sujaacya Naftaw Bixiyay,Salkaw Taagay Qarankena.


 

 

4-Sadkaad Hayso Lama Saydho,Xaaraan Salug Weeyeh,

 

Runta Laga Salgaadhaaye,Sacab Looma Tumo Beenta.


 

 

5-Sirimaynoh Qarankeenan,Xornimadan Sadqayn Maynoh,

 

Socdaalkeenu Waa Guusha,Gooraan Fogayn Dhawra.


 

 

6-Geeska Iyo Xidigaheenan,Googo Maalin Loo Qabshay,

 

Iyaga Iyo Garaadkoodah,Geygeenan Duminmaayoh.


 

 

7-Godolqaaday Maandeeqe,Gorfkia Iyo Hadhuubkaw Cul,

 

Suga Geedo Ka Ciyaarka,Geblada Iyo Mashxaradeedah.


 

 

8-Hadal Waxan Ku Soo Gooyay,Guulbaw Dhaweyd Fulaham

 

Goobtanu Ka Caraayo,Guushuu Ugu Dhawaa Fuluhu.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...