Ummadu Nabad Bay Rabtaa ( Abdi-Shotaly)

Wednesday September 25, 2024 - 17:31:28
Hadhwanaagtv
* N.B Illaah Baa Daayin Ahe, Wataa Talladdii Askari.


Maanta waxan halkan idiin ku soo gudbinayaa hees aan imika daawaha ka soo qaaday, oo Magaceedda la yidhaaho " Umadu Nabad Bay Rabtaa" Hees-taas oo ka hadlaysa wacyiga ka taagan iyo xaaladaha ka aloosan dalkii isaga oo mid ah, iskuna duubaan uu Madax-weyne Axmed Siilaanyo ( Rabbi caafimaad ha siiyee), uu ku wareejiyey askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Iyo kooxdda uu hor boodaayo Geenyo-Shaaximani. Ee ku soo dhawaadda waa tane:-

(1) Dadkii way ooyayaan, ummadu nabad bay rabtaa, kuwaa urugadda ku riday, colaadihi ay unkeen, kursigay ku ilaashadaan.

Dhex-Taal ( Course)

Illaah baa daayin ahe, wataa taladdii Askari, intay isku Kiin dileen, iniba jifo noqotayee, maxay ab-tirsiimo tari.

(2) Ibtillo aan dhamaanin iyo, Intaa beelo layku direy, dadkii ay kala eryeen, dagaal ay ku baaqayaan, af-kuna been sheegayaa.

Dhex-taal ( Course).

Illaah baa daayin ahe, wataa taladdii Askari, intay isku Kiin dileen, iniba jifo noqotayee, maxay ab-tirsiimo tari.

Waxan ku soo xidhay, haddii u jiro fandango reer S/Land ahi ( wiil iyo gabdh-ba) oo doonaya in ay ku luuqeeyaan, waxan ka codsanayaa in ay ila soo xidhiidhaan. Waxa kale oo aan leeyahay haddii qof uu rabo in uu siiyo fanaan ama fanaanad uu isagu garanaayo oo raba in uu qaado, isna ha ila soo xidhiidho.

* N.B Illaah Baa Daayin Ahe, Wataa Talladdii Askari.

Qore"- Abdi-Shotaly
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...