Askarigu Waa Caabuqa VIRUS-KA ( Abdi-Shotaly).

Thursday September 26, 2024 - 12:28:59
hadhwanaagnews
* N.B Qof Isaggii Buko Caafimaad Lagama Raad-sado,Ee Waa La Daaweeyaa.

Wax-yaabaha abuura ama dhaliya xanuunadu way kala xun yihiin, kalana daran yihiin, waxa-na ay dhaliyaan cuduro fara badan, kuwaas oo iyaka laf-toodu ( Waa xanuunada'e) ay sii kala khatarsan yihiin, iyadoo qaar-kood maaro loo la'yahay ah, dawo lagu xalillo oo la garan yahay amase aan loo helin dawo, oo ilaa imika lagu wareersan yahay siddii loo joojin lahaa ee daawa-doodda lagu dabro loo ikhtiraaci lahaa, amase loo samayn lahaaba, waxa ka mid ah cuduradda aan si run ah loogu guulaysan dawa-doodda, cudaradda Cancer-ka, HIV oo loo yaqaano AIDS, inkastoo wax tijaabo ah lagu-la daalo, hadana caalamka ma jirto dawo lagaga gamay, oo noqota daawo bogsiisa VIRUS-KA iyo HIV AIDS, laakiinse dadaallo iyo baadhi-taan badan baa lagu wadaa bal siddii loo fahmi lahaa VIRUS-KA keena qaabka lagu-la dagaalamo karo , si loo cidhib tiro, iyaka iyo qaar kaloo jira-ba waase lagu hawlan yahay. Way jiraan cuduro loo helay daawooyin sidda Duumadda ( waa cuduradda kaneecada'e) TB iyo qaar kaloo badan.

Akhristaw ujeedadda aan u soo qaatay VIRUS-KA aan qaybta sare ku soo sheegay iyo waxan uga dan leeyahay-ba iga hooya. Horta aan idiin sharaxo'e, Sideeda-ba VIRUS-ku waa caabug jidhka gala, ku noolaadda oo xanuun (Waa cudure) ku abuura jidhka hoos-tiisa kolba qayb ka mid ah, VIRUS-kaasi debedda kuma noolaan karo oo wuu dhimanaya, sidaas awgeed waa in ku jiraa jidhka oon la helin, waayo haddii la helo waa la dili karayaa, laakiin-se marka uu jidhka hoos-tiisa galo, ayuu cudur isu bedelaa oo qofku uu bukaan noqdaa, dabeed-na
Markaas ayaa la baadi doonaa,
Minta la helo-na, jidhka waa laga daawayn karayaa. Haddii aad hadaba aad intaa ila fahan-teen, dulucdda maqaalku waxa weeye sidatan hoos ku taal.

Askariga " Xaafad-Tooyadda" ee "Raggii ma adigaa ka hadhay" waxa badan baa cudur-kiisa la la'aa. Oo dhan loo qaado iyo wax lagu sameeyo-ba lagu wareer-sanaa, virus-kaa (caabuqaa) ku jira jidh-kiisa,kaas oo qaad-siiyey dadka reer Somaliland, VIRUS-ku (xanuunku ) iyo caabuqu waxa uu ku heynayaa Inta laga helaayo jidhka. Akhristaw
Imikaa Beesha Habar Jecllo baa heshay Dawaddii VIRUS-KU ee jidhka askariga ku jirtay waxay-na ay noqotay,
dawadiisii in dalka laga qabto
doorasho, taas baana
Caafimaadka dadka iyo dalka ay ku jirtaa, ahna tii lagu xakamayn lahaa cuduraddii uu askarigu faafi-naayeey ee dhamaan saameeyey dalka S/Land. Muwaadin ugu dambayn mar haddii dawaddii ay tahay doorashadda, waxa la gaadhay wakhtiggii VIRUS-Kii iyo Caabuq-yadiisa laga soo af-jari lahaa dadka iyo dal-kaba, oo caafimaad, nabad-gelyo, cadaalad, sinaan iyo walaal'tinomo ay bedesho, cuqdaddii, naxaligii, qabyaaladdii, colaaddii iyo nolol xumiddii baahday ee Askariga VIRUS-KA ahi inagu beeray, uu hadeer XUSBIGA RAJADDA SHACABKA EE WAKAALEEYE inaga suuliyo oo uu meesha ka saaro,
xanuunkii VIRUS-ka ahaa wuxu noqday askariga, dawadii-siina waa la helay. Dawaddii loo qorey-na waxa weeye doorasho oo dalka siduu yahay ka bedesha.
* N.B Qof Isaggii Buko Caafimaad Lagama Raad-sado,Ee Waa La Daaweeyaa.
Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...