Askariggii " Xaafad-Tooyadda " Oo Waraystay Inta Uu Ku Adeegto ( Abdi-Shotaly).

Tuesday September 24, 2024 - 15:02:09
hadhwanaagnews
* N.B Aynu Diidno Natiijadda Marka La Inaga Hello.
No description available.

Waxan maanta halkan idiinku soo gubinayaa askariga jiha-wareersan, isagoo ay si xun xaaladu uga dhaqabsan-tahay, wareersan oo marya xoora ah, buu isugu yeedhay " Digsi-Xagato iyo Jin-dagaagay-ggii" ka hoos sacabin jirey, siddii islaantii cadhays ciise. Wuxu yidhi " 7dii sano ee aynu joognay wax maanta inaga anfaca ma hayno. Waxana uu ku yidhi af buuxa, mid kastaw-ba bal waxaad hayso tallo ee aad is leedahay foodka baynu ku helaynaa soo daa. Waana tan mid kastaa waxa uu ku hadlay ee iga hoo alhristaw :-

G.shaaximan:- Waa in aynu Amniga iyo difaaca qaranka dadka ku dhego barjaynaa, inakoo gaar ahaan u jeedna Garxajis iska ilaaliya, si aan marmar-siiyo ugu helo In aanay doorsho dhicin, weliba dagaal ku qaadno haday inoo suuro-gasho.

Bakhti-Dhego-Weyn:- Waa in aan nidhaahno dhaqaale looma hayo dorashooyinka, ee dib haw dhacdo.

Nabanaha Maaliyadda ( Sacad Cali shire) Kaadhii Somali-weyn ee marya-Alool waa in aan mar kale xoqnaa, kaas baa dadku ku soo joogsanayaa.

Faataxa-Yare ( ka awqaafta) aynu dadka ka bajino, oo nidhaahno ninkii Askariga caabudi waaya, cadaabtuu gelayaa ee noo fooda.

Kooraysane:- Naaleeye Ahmed iyo Gadh-Wayne aynu isku hubayno, si aan sanaag looga foodin ee dagaal ugu dhaco.

Gafane-Fuurey (Buuni) reer Awdal waa in aynu kicinaa, oo la xidh-xidhaa xil-dhibaanadda, fanaaniita. Weriya-yaasha si ay u sameeyaan qas, oo aan sanaaduuq loo geyn, taas baa soo yaraynaysa tiradda Awdal iyo Salal.

Shukri Baandare:- Askari waa in aad orodka sii badisaa, si aad ula tartanto Musharaxa Xusbiga Rajadda Shacabka,

Xaliye ( Waa Xinife) :- Halka keliya ee la isaga diro karo reer bari, Waa inaga oo foodda isu gelina H.Jeclo iyo Garxajis, oo ay Tog-dheer ka bilaabanto.

Ugu dambayn la taliyaha gaarka ah. Ee askariga " Ina Murjin-Msdoobe" baa aakhirkii ku yidhi, waa in aynu natiijadda diidnaa, haday yeeli waayaan, waa in maxakamadu tidhaahaa dib ha loo tiriyo, ilayn wiilka maxakamadu waa inaadeer-kaaye, waa in aynaan sina u yeelin marka la inaga hello.

* N.B Aynu Diidno Natiijadda Marka La Inaga Hello.

Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...