Qudhmiyaw Kaa Guur Nin Doorkii, Doqonaw-na Yeelkaa ( Abdi-Shotaly).

Monday September 30, 2024 - 10:15:44
hadhwanaagtv
Badh baad goboladDii hallaysay.
No description available.

Akhristaw, Rabbi naxariis-tiisa jano haka waraabiyee, Abwaan Cali Sigule Dun Carbeed, baa murit-diisa ka mid ahayd " Ma hadhin hadal lays yidhaadaa" waa run maanta ummada yahay " Hadal-ba waa gam". Ujeedadda maqaal-kana waxa weeye, siddii hore-ba ay u hayd Hargeysi hooyadda funka Somaliyeed, laguna yaqaano in dhamaan wixii la odhan 5 Somaliyeed, mid aanay halhan-keedda ka soo qayb qaadani may jirin, sidoo kale maamuladdii kala dambeeyey ee Somalaaliya may jirin mid aanay sheegin khalad-koodda iyana hadal-koodda, af-weyne baa ugu dambeeyey oo wixii ka dhacay cidna kama qarsoona, intii la lahaa wax baan la soo noqonay-na , oo aan anigu imika u arko meel la rabay in laga shaqaysto, oo lagu boobo ummadda waxaad og-tihiin soo martay, hawgu sii daraado Askarigan " Xaafad-Toodu".

Wakhtigan aynu ku jiro waxaa hadal soo gabaga-beeyey Fanaaniinta " Xidigaha geeska iyo Aragsan", Aan ku soo dhawaado'e, bal heestan Aragsan ila alhariya waa tane:-

* (1) Todoba sanno ood hor joogtay;
* Wax-qabad lagu soo hirtiyo,
* Hal erey ood ku faanto,
* Markaad heli weyday yaabka,
* Humaag beenaad abuurtay,
* Marbaad "horor"
guud ka fuushay,
* Dhiiqaad ka dhex heestay maalmo,

* Gucliyo orod wuu hadh beelay,
* Haldoorkii maad dhegaysan,
* Markuu dadku kugu hungoobay,
* Ayaad haybba gaar u soocday.
* Hurinba gaar baad u saartay,
* Walaalo dhabaa is hiifay,
* Waxaad cuntay heeryadaada.

Dhex-Taal

* Ummaddu hadda kuu ma jeeddo,
* Is beddel loo wada hayaamay,
* Ka guure halkaad ogayde,
* Waxan hadal kuugu koobay,
* Huleel cod-ba kuuma haynee;
* Hogaankuun noo wareeji.

* (2) Hankiyo rajadii dad-kaagu,
* Kun jeer bay halis galeene,
* Haddaan hadaf-kaagu maal,
* Hantiyo dhul baloodh ahayn,
* Bulshada hiil kaa sugaysey,
* Habeen-badh ma weerateene,
* Hooyada baas ku ma furteen.

* Intaad beero haybinaysay,
* Ku haysatay maati buuro,
* Dalkii baad gebi hilmaantay,
* Badh baad goboladii hallaysay,
* Hannaankiyo haybaddeenii,
* Qabkii shacabkaa hagoogtay,
* Waa kaa qaran oog ku heermay,

Dhex-Taal.

* Umaddu hadda kuu ma jeeddo,
* Is beddel loo wada hayaamay,
* Ka guure halkaad ogayde ( Qudhmiye),
* Waxan hadal kuugu koobay,
* Huleel cod-ba kuuma haynee,
* Hogaan-kuun noo wareeji!

Muwaadin, waxan ku soo dabray qoraalkan sare, runta haddii la isu sheego ma hedaa ku baxaysa, askarigu " Raggii ma adigaa ka hadhay" Way ka sii khiikh leedahay, kaaga darane, ma jirto cid u fududaysa geeridda oo gawracdaa, ee silic cawaaqib xumaanta iyo taariikh-da cidhib la'aanta ah baa kaga sii xun. Wa taas ummaddii Bari-Galbeed ooda jebisay, ee ku dareertay Xubiga Rajadda Shacabka ee " Waddani "
*N.B Intaad Beero Haybinaysay,
Ku haysatay maatida buuro,
Dalkii baad gebi hilmaantay,

Badh baad goboladDii hallaysay.
Qore:- Abdi-Shotaly.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...