Guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland ayaa ururada siyaasada iyo asxaabta Qaranka ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo bulshada iska horkeeni kara, waxaaney sidan ka sheegeen shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta golaha.
Sidoo kale waxa ay guddidu ka codsadeen ururada iyo xisbiyadu inay u tartamaan six or iyo xalaal ah, una damqadaan bulshada, waxaaney ugu baaqeen inay raacaan sunihii hore ay Somaliland ugu soo caanamaashay, waxaaney intaas ku dareen in doorashooyinka dalka ka dhacay aanay ka dhicin waddamo badan oo ku yaala Qaarada Geeska Afrika.
Guddida joogtada ee golaha guurtidu waxa ay sigaara fariin ugu dirtay ururada u tartamaya ka mid noqoshada xisbiyada Qaranka, waxaaney fareen inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo shuruucda dalka u taala.
Gaba-gabadii waxa ay warbaahinta Somaliland ku waaniyeen inay ka fogaadaan wararka aan salka iyo raadka toona lahayn, isla markaana nabadgelyada wax u dhimi kara, waxaaney ku adkeeyeen inay ka shaqeeyaan wax kasta oo bulshada isu soo dhaweynaya.